Xilligii ay Ciiddamadda AMISOM ka huleeli lahaayeen Somalia oo dib loo dhigay

Hoggaamiyayaasha Afrika ayaa waxaa uu caqabad ka soo food saaray Qorshaha lagu bilaabi doono sidii Ciiddanka AMISOM looga saari lahaa Somalia marka la gaaro bisha October ee sannadka soo socda.

Hoggaamiyayaasha ayaa rumeysan inuusan jirin Hubaal ahaanshaha inay Ciiddanka Somalia kala wareegi doonaan Sugidda Ammaanka ee Somalia.

Daad-gureynta Ciiddanka AMISOM ayaa la filayaa in la soo dhamaystiro sannadka 2020-ka, waana Ajendo figta sare kaga jira Qorshaha AMISOM ee ay ku doonayaan inay bilowga sannadka soo socda ee 2017-ka ku qabsadaan dhamaan Goballadda ay weli joogaan Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Laakiin, AMISOM oo Somalia soo gashay sannadkii 2007dii waxay sheegtay inay u baahan yihiin 28,000 Askari oo dheeraad ah si ay uga qeyb galaan Hawlgalka AMISOM ku doonayso inay ku qabsadaan Goballadda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku xooggan yihiin, oo ay ka mid yihiin Dooxadda Jubba, Hiiraan iyo Xeebaha W/bari ee Somalia.

AMISOM waxaa kaloo qabyo ah Tababarka iyo qalabaynta ugu yaraan 20,000 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia, waxaana Tababarkaasi taageero ku bixiya QM iyo Deeq-bixiyayaasha Caalamka.

Waxaa kaloo la dhimay Miisaaniyadda Sannadka ee maalgelinta iyo qalabaynta Ciiddanka AMISOM ee ay tiradoodu dhan tahay 21,129 Askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Kenya, Jabuuti, Ethiopi iyo Burundi.

Waxaana intaasi u dheer iyadoo ay Dowladda Burundi ku hanjabtay inay Ciiddankeeda kala baxayso Somalia sababo la xiriira mushaarkii ciiddankaasi oo ka soo daahay.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Somalia, Francisco Madeira oo madax ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa aqoonsan caqabada food saartay AMISOM, sida uu ku sheegay Wareysi uu Muqdisho ku siiyey Weriye ka tirsan Wargeyska The East Afrika.

Waxa uu tilmaamay inay AMISOM ka bixi doonto Somalia sannadka 2020-ka.

Waxa uu intaasi ku daray in dalalka Ciiddamadda ku yaboohay xaqiijiyeen inay doonayaan in Ciiddamadda la soo daadgureeyo iyo in la kordhiyo Tababaarka iyo Qalabka ay AMISOM siinayaan Ciiddanka Somalia si ay awood ugu yeeshaan in lagu wareejiyo Ammaanka Somalia.

“Waa inaan awood u yeelanaa in la bilaabo dhimista Ciiddankeena bisha October 2018-ka, oo ay qaadato muddo 2-sanno” ayuu yiri Ergayga Midowga Afrika ugu qaabilsan Somalia.