Wargalin xaaladda jaaliyadda Puntland ee Norway

Wargalin xaaladda jaaliyadda Puntland ee Norway #

Jaaliyadda puntland ee Norway waxay aheeyd fadhiid aan waxba qaban ilaa & maalintii nala doortay May 2016. Tan iyo waagaasna waxaanu isku daynay inaan ka talabixino qaabka ugu wanaagsan ee jaaliyadda tayo leh u dhisi laheeyn. Nasiib daro talooyinkaayagu waxay ku dhacayeen dhago aan diyaar u aheeyn wax hagaajin iyo isbedel. Waxaan kulan isugu nimid aniga & gudoomiye Xirsi 3 jeer intubana waxay ku dhamaanayeen waxaad sheegayso waa wada sax waana yeeli doonaa oo aan halkaa laga qaadaynin. Waxaana fiiro gaar ah mudan mudadaa intaa la’eg in aysan jaaliyadu wax u qaban 1 qof oo ka mid ah dadkii doortay. Waxaa lagayaabaa inaysan waxaas oo dhani idinkuna cusbayn, aadna is waydiisaan maxaa hadda soo kordhay oo Ubah ka hadliyay xiligaan. Jawaabtu waa fududahay waana sidaan. Tan iyo maalintii la doortay guddiga jaaliyadda ma qaadin Tilaabo la dhihi karo waa wax qabad (hala yaabin waa dhab), iyadoo saas ah ayaan shalay ku baraarugay qoraal magaca jaaliyadda Norway ka socda magaceeyguna ka mid yahay saxiixayaasha. Qoraalkaasoo loogu yeerayo dadwaynaha reer Oslo inay casho ka soo qaybgalaan ujeedkeeduna yahay in lacag loogu aruuriyo dadkii abaaruhu saameeyeen , waana mida igu noqotay “Ka daroo dibi dhal” sababtayna inaan ka fursan waayo qoraalkaan. Hadaba, maxaa ka qaldan in dadku abaaruhu saameeyeen dhaqaale loo uruuriyo? 1) Xiliga… waxaan lawada soconay in ay abaaraha puntland ka jireen 2bilood wax ka badan wax talaabo ah laguma dhaqaaqin xiligaan oo dad badan ay dhinteen, intii kalena raxmadii Alle ayaa u timid. 2) Si aan ugu gargaarno dadkeena abaaruhu hayaan ma inaan Makhaayad isku casunno miyaa oo qof walba horta cuno casho u dhiganta wixii laga rabay? 3) Halkee ama shirkee ayaa guddiga jaaliyadda ku go’aansaday in qaabkaan wax loo qabto? 4) Alif-beetada Hogaanka iyo masuuliyadu waa midda kubarta inaadan qofka magiciisa isticmaalin adoon ogolaansho kahaysan. Hadaba Intaa aan kor ku xusay & ka badan waxay noo xaqiijiyeen i aysan hogaanka jaaliyadda Puntland ee Norway aysan ka soo bixi karin masuuliyada & waxqabadka ay u baahan yihiin jaaliyadda reer puntland ee ku dhaqan dalka norway. Muhiimna ay tahay in la helo jaaliyadd matasha unashaqeeysa dadka oo dhan.

Wabilaahi tawfiiq

Ubax  Abshir