DEGDEG: Caasha Xaaji Cilmi oo qaadacday Doorashadda Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Saleebaan/Gaabane oo ka socota Cadaado.

Xaruunta Doorashadda ee magaalladda Cadaado, waxaa haatan ka socota Doorashadda Kursiga Aqalka Hoose ee  Beesha Saleebaan/Gaabane.

Kursigaasi waxaa ku tartamaya Musharixiinta Maxamed Abtidoon, Aadan Cusmaan iyo Ubax Axmed Basale.

codeyntaMusharax Caasha Xaaji Cilmi oo la filayey inay ka qeyb gasho Tartankaasi ayaan tartami doonin, kadib, markii uu Ugaaska Beesha Saleebaan uu Kursiga Qoondada Haweenka ku soo daray Xubin Rag ah.

Caasha Xaaji Cilmi ayaa ka biyo diiday inay ka qeyb gasho Tartanka, maadaama Qoondadii Haweenka laga dhigay mid ay ku tartamayaan Dumar iyo Rag.

cadaado