FBI-da oo baaraysa qoraal uu Facebook soo dhigay Ninkii Somali-Maraykanka ee lagu dilay Gobalka Ohio.

Baarayaasha Waaxda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa eegayo Qoraal Muwaadin Somali-Maraykan la oran jirey C/risaaq Cali Cartan, kaasi oo ay Boliska toogteen, kadib, markii uu  dad ku dooxay Jaamacadda Ohio State University ee magaalladda Columbus.

Ilo ku dhow Sharci-xoojinta Maraykanka ayaa u sheegay Telefishinka Fox News in Qoraalkaasi oo C/risaaq Cali Cartan qoray mar sii horeysay oo Isniintii shalay ahayd ku dhigay Bayaanka lidka ku ah sida aan xaqa ahayn ee loola dhaqmo Muslimiinta.

Saraakiisha Xoojinta Sharciga waxay Fox News u sheegeen inay rumeysan yihiin inuu Qoraalkaasi soo dhigay C/risaaq Cali Cartan oo isaga shalay fuliyey weerarkii uu ku dooxay 11-qof oo ku sugnaa Jaamacadda Ohio State University.

Dhinaca kale, Telefishinka ABC News ayaa soo weriyey Qoraalka la sheegay in Marxumka la dilay uu soo dhigay Barta Facebook, taasi oo u qornayd sidatan: “Waxaan la xanuunsaday, kuna daalay inaan arko Walaalahayga Muslimiinta la dilayo, laguna jir-dilayo meel kasta.  Aniga ma sii awoodi karo inaan waqti kale sii qaato”.

abdirhman-artanIlaha Ciiddanka Xoojinta Sharciga waxay kaloo Fox News u sheegeen inay FBI-da sii eegayaan Taariikhda Dijitalka ee C/risaaq Cali Cartan si loo ogaado hadii uu xiriir la sameeyey dad lagu tuhunsan yhaay Argagixiso ama raadad muujinaya inuu ku xirnaa Borobogaandada Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Il-wareed ayaa u sheegay Telefishinka Fox News inuu C/risaaq Cali Cartan gaarigii uu ku isticmaalay Weerarka laga helay Nuqulkii ugu dambeeyey ee Wargeyska lagu baahiyo Borobogaandada Kooxda Daacish oo lagu magacaabo Rumiyah magazine.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii Tooreyda ee shalay ka dhacday Jaamacadda Ohio State University  ayaa noqonayo weerarkii Labaad ee uu geysto qof Somali-Maraykan ah.

Bishii September ee la soo dhaafay,  Nin Somali-Maraykan 20-jir ahaa ayaa waxa u uTooreey ku dooxay 10 qof oo Maraykan ah, ka hor intaysan Boliska ku tooganin magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta.