Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Nabadoon caan ahaa ay ku Dileen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Nabadoonkan oo lagu magacaabi jiray Ibraahin Qorax ayaa dilkiisa waxaa fuliyay dabley ku hubeysnaa bistoolado, sida goobjooge uu u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Kooxahii ka dambeeyay falkaasi dilka ahaa ayaa isaga baxsaday goobta.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaliya oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah oo ku aadan soo qabashada dableydaasi.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilka Nabadoon Ibraahin Qorax oo ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.