DAAWO SAWIRADA SHIRWEYNHII 4-AAD EE NUSOJ OO SI XALAAL AH UGA FURMEY MAGAALADA GAALKACYO.

Shir weynihii 4-aad e ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj ayaa maanta si sharci ah uga furmey Magaalada  taariiqiga ah ee Gaal-kacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo madashii furitaanka shirweynahaasi  ay  ka soo qeyb galeen madax ka kala socdey Dawladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin mataleysey Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Gudoonka G/Mudug, wakiilo ka yimid ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed iyo madax kale oo aad u badan.

Kulan weynahaan oo socon doono 3-4 bisha Luulyo ee sanadka 2016-ka  ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya in ka badan 150 suxufi oo ka kala yimid 12-Gobol oo ka mid ah Gobolada Soomaaliya, halku dhiga loo doortey shirweynahaasi  oo aad kuu soo jiidanaya  ayaa waxaa loo qaatey inuu ahaado”Illaalinta xuquuqda iyo Amniga saxafiyiinta waa muqadas”.

Munaasabaddi furitaanka shirweynhaasi ayaa khudbad ay halkaasi ka soo jeediyeen Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj iyo Xoghaya Guud ee ururkaasi C/risaaq Shiikha Adduun iyo Cumar Faaruuq Cusmaan waxa ay si qoto dheer uga war bixiyeen waxqabadkii ururka ee mudooyiinkii la soo dhaafey, waxaana ay tilmaameen in suxufiyiinta Soomaaliyeed uu ururku gaaarsiiyey heer caalamka laga aqoonsan yahay,, iyagoo intaasi raaciyay inay ka go’an tahay sidii ay  wax walba ugu horumarin lahaayeen Badbaadadda, Xoriyada iyo Horumarinta mustabalka saxafiyiinta Somaaliyeed.

Duqa Magaalada Gaal kacyo C/casiis Jaamac Guuleed, Isu duwaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee G/Mudug Cabdi naasir Badal Qalaf, Gudoomiye ku xigeenka G/Mudug Axmed Muuse Nuur oo iyaguna halkaasi ka Hadley ayaa si weyn u soo dhaweeyey furitaanka iyo qabashada shirweynahaasi, waxayna cadeyeen inay Puntland si buuxda u aqoonsan doonto hadda madaxdii lagu  doorto kulan weynahaasi ay leeyihiin saxafiyiinta Nusoj

Wasiirkii hore eeWasaardda  Haweenka Puntland iyo Gudoomiyiihii Gudiiga Dastuurka Soomaaliya Marwo Caasha Geelle Diiriye oo iyaduna goobtaasi ka hadashey aya sheegtey inay aad ugu faraxsan tahay ka soo qeyb galka shirweynahaasi, waxaana ay balan qaadey inay ku dadaaleyso sidii ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta hawlaha saxafiyiinta Soomalaiyeed

Khudbadihii furitaanka shirweynhaasi waxaa si qiiro iyo xamaasad leh u soo gabagabeey Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Fedearalka Soomaaliya Xildhibaan Yaasiin Cabdi Qani Sheikh wuxuuna sheegey inuu Baarlamaanka Soomaaliya uu soo dhaweynayo natiijooyinka wax ku oolka ah ee kulanweynahaasi ka soo bixi doono, isagoo kula dar daarmey saxafiyiinta Shirweynahaasi ka qeyb qaadanysa inay ku dadaalan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Nabadeynta soomaaliya iyo isu soo dumida ummaadda Soomaaliyeed.

Furitaanka shirweynahaasi kadib waxaa ka qeyb galayaasha halkaasi ku doorteen Gudoonkii hogaamin lahaa shirweynahaasi waxaana guddigaasi loo doortey  saxafiyiinta kala ah Qadar cawil ismaaciil Gudoomiye, Cusmaan Aadan Careys Gudoomiye ku xigeen halka Xogheye  looga doortey Sahro C/laahi Yuusuf, gudigaan aya hawsha sii hogaaamin doona tan iyo inta laga dooranayo madaxdii Nusoj hogaamin laheyd seddexda (3) sanno  ee socoto haddi uu ALLE idmo.

Saxafiyiinta soomaaliyeed eek u kal dhaqan dalka gudahiisa iyo dibadiisa yaa si diiran o kal gacal leh u soo wada dhaweysey socoshada shirweynaahaasi, iyagoo ka filayo iany ka soo baxaan go’aano qeyb ka qaadan kara horumarinta saxafiyiinta soomaaliyeed.

20160703_092015

20160703_091830

 

 

20160703_091235

 

20160703_091911

20160703_08342220160703_09571520160703_09183020160703_09415620160703_09475520160703_09250620160703_092245