Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Xadhiga Ka Jaray Buundada Ugu Dheer Caalamka (Video + Sawiro).

Ordogan and the BridgeMadaxweynaha Dalka Turkiga Oo Xadhiga Ka Jaray Buundada Ugu Dheer Caalamka (Video + Sawiro).

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si rasmi ah u furay dhowaan Buundada ka mida kuwa ugu waaweyn caalamka oo ah nooca calaqan, waxayna Kaabadani dul mareysaa Badda Marmara ee dalka Turkiga.Buundada cusub oo loogu magac daray Osmangazi oo ahaa suldaankii ugu horeeyay Khilaafadii Cusmaaniyiinta, wuxuu dhererkoodu gaarayaa 2,682 Mitir ayaa lagu tilmaamay inay tahay tan afraad ee ugu dheer caalamka oo dhan iyo tan labaad ee ugu dheer Yurub.

Turkey Bridge

Waxaa si rasmi ah Khamiistii u furay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaana ku baxday lacag dhan 1.3 Bilyan oo Doolar. Dhismaha Buundada ayaa dhismaheeda la bilaabay sanadkii 2010.

Dalka Turkiga ayaa Buundada cusub looga arkaa horumar weyn oo ku soo kordhay dalkaasi, waxayna isku xireysaa Badda Marmara iyo Wadadda cusub ee Highway oo isku xiri doona magaalooyinka Istabul iyo Izmir oo dhismihiisa ay ku bixi doonto lacag dhan 6.3 Bilyan.

Turkey Bridge1

Faa’iidada isla markiiba la taaban karo ee Buundada Osmangazi soo kordhisay ayaa waxaa ka mida in isu socoda magaalooyinka Izmir iyo Istanbul oo hore u qaadan jirtay muddo 10 saacadood ah, ay hadda noqoneyso in loo kala socdo oo kaliya 4 saacadood.

Xafladii furitaanka Buundada cusub waxaa lagu marti qaaday ciyaaryahanka reer caalami ee dalka Turkiga kuna caan baxay tartanka Mootooyinka Kenan Sofuoglu.

Turkey Bridge2

Madaxweyne Ordogan ayaa furitaankii Buundada cusub ka sheegay haddii Turkigu doonayo inuu noqdo dal dhaqaale ahaan xoog leh ay lagama maarmaan tahay inuu dib u dhiso kaabeyaashiisa dhaqaale, sida Buundooyinka.

Gaariga caadiga ah ee Buundada doonaya inuu ka gudbayo waxaa markiiba laga qaadayaa lacag dhan 35 Doolar, halka baabuurta xamuulka laga rabo 110 Doolar, laakiin maalmaha ciidul fitriga ee soo socda ayaa lagu mari doonaa lacag la’aan.

Ordogan and the Bridge

Halkan ka daawo Buundadaa