Abukar Cawale: “Ninka qaadka cuna nama geeyo, warbixinta Booliska UK waan soo dhoweynayaa”

abukar-awale-680980552-2981505-500x333Abukar Cawale: “Ninka qaadka cuna nama geeyo, warbixinta Booliska UK waan soo dhoweynayaa”

Oraahdaan oo ay inta badan isticmaalaan haweenka ayaa waxaa adeegsaday halgamaaga Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Abukar Cawaale, kaasi oo isagu inta badan u ololeeya sidii adduunka looga cirib tiri lahaa Soomaalida qaadka cunta cuneysa.

 

Jaadka ama Qaadka oo ah nooc daroogada ka mid ah isla markaana laga isticmaalo adduunka dacaladiisa, ayaa waxa uu sheegay Abukar Cawaale in markii laga joojiyay dalka Ingiriiska ay yaraadeen gacan qaadka ragga iyo haweenka Soomaaliyeed ee degan dalkaasi.

 

Abukar Cawale oo isagoo lugeynaya galay xarunta BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxaa qaabilsay Weriye C/raxmaan Bidhaan, isagoona su’aalo dhowr ah ka weydiiyay warbixin uu soo saaray Booliska dalka Ingiriiska, taasi oo sheegeysa inuu yaraaday dagaalka dhex mara qoysaska.

 

“Dalkaan waxaa degan dad badan oo Afrikaan ah Soomaalida isticmaasha qaadkana ay ka mid tahay” ayuu yiri Abukar Cawaale oo ololihiisa ku dabaqayay nabadgelyada qoysaska degan dalka Britain.

 

Dhinaca kale dalka Ingiriiska oo ka mid wadamada barwaaqa sooranka ah ayaa waxaa laga isticmaalaa qamriga oo Soomaalida qofka caba u taqaano “Alkuliiste”, hase yeeshee Abukar Cawaale waxa uu sheegay in goobihii qaadka lagu iibin jiray ee magaalada London loo bedelay Masaajido iyo goobo waxbarasho.

 

Ka ganacsiga Qaadka laga dhoofiyo dalka Kenya ee loo iib geeyo dalka ayaa mar kaliya istaagay kaddib markii Dowladda dalkaasi baaritaano ay ku sameysay ku aragtay maadooyin daroogo ah, wuxuuna Abukar Cawaale noqday ninka ku guuleystay ololihiisa qaad joojinta ah.