Al-Shabaab oo DF Somalia kala wareegtay deegaan muhiim u ah.

shabaab_military_Parade

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta Degaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo wata ku dhawaad Lix gaari nooca dagaalka ayaa la wareegay Degaanka Yasooman kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen Degaankaasi.

Al-shabaab ayaa deegaankaasi kula wareegtay dagaal la’aan waxa ayna iminka halkaasi ka sameysteen fariisimo dhowr ah oo ay ka ilaalsanayaan Degaanka Yasooman.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa iminka halkaasi kawada howlgal ay ku kala soo cayaan dadka deegaanka waxaana lasoo warinayaa in halkaasi ay ku xirxireen dhalinyaro farabadan.

Dib ula wareegista Degaanka Yasooman ayaa imaanya maalmo un kadib markii Al-shabaab ay Weerar xoogan ku qaadeen Degaanka Halgan oo Saldhi Millitari ay ku leeyihiin Ciidamada ethiopia iyo kuwa Dowladda.

Xaalada Degaanka Yasooman ayaa iminka ah mid degan waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ay ku rogaal celiyaan Degaanka Yasooman.