Bangiga Dhexe ee DFS oo Qandaraas shirkad shisheeye ah ku siiyay sida looga hortagaayo xiriirka waxay ugu yeedheen Xawaaladaha iyo Argagixisada!!!

 Bangiga-dhexe-ee-SoomaaliyaBangiga Dhexe ee DFS oo Qandaraas shirkad shisheeye ah ku siiyay sida looga hortagaayo xiriirka waxay ugu yeedheen Xawaaladaha iyo Argagixisada!!!

Wararka ka imanaaya dhanka maamulka sare ee Bangiga dhexe ee Somalia, ayaa sheegaya in Bangida uu heshiis la galay Shirkad la socta dhaqdhaqaaqyada xawaaladaha iyo Bangiyada dalka.

Bangiga ayaa Shirkadaani u adeegsan doona ka hortaga khaladaadka ay geysanayaan Xawaaladaha iyo Bangiyada ka howlgala gudaha dalka, waxa ayna Saraakiisha Shirkadaasi isugu jiraan Cadaan iyo Madow.

Keenista Shirkadaani ayaa waxaa leh Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Somalia, waxa ayna Shirkadu ku shaqeyneysaa dhaqaale aad u farabadan,  xili shaqaalaha Dowlada ay yihiin kuwo aan mushaar qaadan.

Waxaa lagu magacaabaa Shirkadaani cusub, ee la soconaysa xawaaladaha iyo bangiyada dalka ka jira (ABYRINTA) waxaana lacagaha ay ku shaqeynayso Shirkadaani bixinaya Bangiga Adduunka.

Shirkadaani ayaa la sheegay in ahmiyad gaar ah ay siin doonto ka hortaga dhacdo lacago dibada looga soo diro kooxaha xagjirka ah.

Bangiga adduunka waxa uu sheegaya in bangiyada caalamiga ah ee xiraya akoonada xawaaladaha ay xal u tahay in la helo nidaam lagula socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha loo dirayo gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, lacagaha ugu badan ee dalka soo gala,waxaa laga soo dira dibadda,waxaana jirta qaarkood inay u gacan galaan kooxaha xagjirka ah oo ay al-Shabaab ka mid-yihiin,balse taas si aysan u dhicin shirkad gaar ah ayaa arrinta la soconaysa.