Kenya oo weli ku sii adkaysanaysa xidhida Xeryaha Qaxootiga Somaalida ka dib heshiiskii uu Xasan Shiikh la saxeexday Madaxwaynaha dalkaas!!!

Xasan shiekh iyo UhuruKenya oo weli ku sii adkaysanaysa xidhida Xeryaha Qaxootiga Somaalida ka dib heshiiskii uu Xasan Shiikh la saxeexday Madaxwaynaha dalkaas!!!

Kenya waxaa ay ku goodisay in ay xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab, wixii ka dambeeyay weerarkii magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 147-Qof sanadkii tagay.

Wargeyska Washington Post, ayaa qoray in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu sheegay in aysan dooneyn in Kenya ay ku qasabto qaxootiga in ay ka baxaan Xeryaha.

Omar-Abdi

“Waxaan dooneynaa in dadkaan dib ay ugu soo laabtaan dalka, laakiin taasi waxa ay u baahan yahay in loo maro nidaam, waxaanu kala hadalnay bulshada Caalamka iyo Kenya habka ugu wanaagsan oo ay ku suuragali karto dib usoo celinta qaxootiga” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha, waxa uu sheegay in qaxootiga ay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay kaga guuraan Xeryaha Dhadhaab, balse aysan suuragal aheyn in sanadkaan gudihiisa lagu fuliyo go’aankaasi.

“Tani waxay sii kordhin kartaa falal amni xumo  ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, sababtoo ah dhallinyarada qaxootiga ayaa ku biiri kara Kooxaha xagjirka ah, waana in laga fikiraa halka ay ku dambeyn karto noloshada dadkaan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kula kulmay magaalada Brussels, xoghayaha guud QM Banki Moon, ayaa kala dalbaday bulshada Caalamka in laga taageero dowladiisa dib u celinta Qaxootiga Soomaalida.