Nabad Sugida Soomaaliya oo Faah faahisay qaabkii uu u dhacay Dilkii Macalin Daa’uud

War-saxaafadeed kasoo Baxay Taliska Sare ee Hey’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah faahiyay duqeyn dhinaca Cirka ah oo habeenkii Axadda ay taariikhdu ku beegneyd 28-kii May 2016 lagu diley horjoogihii ugu muhiimsam kooxda Al-shabaab , Ahna Horjoogaha u qaabilsan dhinaca Gaashaan- dhigga.

Horjooge Yuusuf waxaa lagu dilay goob aan ka fogayn deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka jubada dhexe oo ah saldhigga ugu wayn Al-shabaab labadii sanno ee lasoo dhaafay, xilli uu markaas kasoo baxay kulan uu la lahaa golaha fulinta Kooxda, oo lagu kala qaatay qorshaha weerarada bisha barakeysan ee Ramadaan iyo kuwa kale oo ay damacsanayeen in la fuliyo xiliga lagu guda jiro doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan.

Ninkaan waxaa lagu magacaabaa C/laahi C/shakuur Jimcaale, waxaa kaloo loo yaqaanaa Yuusuf Xaaji iyo Macalin Daa’uud, Da’diisu Qiyaastii waa 38-40 sano jir, waxuu lahaa 3 Xaas iyo 11 Caruur ah, waxaa la dhashay oo Al-shabaab ka mid ahaa Maxamed C/shakuur Jimaale oo lagu Diley Dagaal UGUS la Gashay Ciidamada Dowladda Soomaaliya .

Yuusuf Xaaji oo ah Magaca looga yaqaano Gudaha Al-shabaab,waxaa uu muddo dheer ahaa Horjoogaha dhinaca Milatariga u qaabilsan Kooxda, waxaa uu sidoo kale mas’uul ka ahaa Jabhadaha Dagaalama kuwooda Guud iyo kuwa gaarka ah, isagoo sidoo kale maamuli jirey inta badan lacagta soo gasha kooxda Al-shabaab, oo badankeeda lagu bixin jirey Dagaalada.

War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Tan iyo markii uu geeriyooday Amiirkii Kooxda Axmed Cabdi Gudane, uu Macalin Daa’ud ujanjeerey xaga Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan ee Aminiyaadku Fuliyaan,Hogaankana uu qabtay Axmed Diireye (Abuu-Cubeyda) oo ah Nin ujanjeera Dhinaca Jabhadaha Dagaalama, Geestana Weerarada Abaabulan,

Hey’adda NISA, ayaa sheegtay in Yuusuf Xaaji uu Maskaxdkaxdii ka dambeysay ‘Weeraro raad reebay Sida weeraradii Leego,Janaale, Ceel-cadde,Laantabuure, Ruun-nirgood ,Puntland iyo Galmudug, maadaama Jabhada Hubeysan Dhamaantood ay isaga Hoosyimaadaan.

Yuusuf xaaji, wuxuu ahaa horjoogaha kaliya ee ay si joogta ah isku Arkaan hor joogaha guud ee Al-Shabaab, isagoo xiliyo kala duwan soo qabtay Amniyaadka dilalka qorsheeshan fuliya ee kooxda, waxaana dilkiisu uu Al-shabaab ku yahay dharbaaxo culus, maadaam uu uga dhignaa horjooge aanay sina uga maarmin, isagoo ahaa horjoogaha ay ka go’aan qorsha iyo talooyinka weerarada la sameenayo iyo halka la weerarayo.

War-saxaafadeedka Hey’adda NISA ayaa lagu soo gabagabeeyay, in dilka horjoogahan uu uga dhigan yahay Hey’adda NISA, dowladda, shacabka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada Soomaaliya guul taariiqi ah.

War-saxaafadeedkan Waxaa ku saxiixan Taliyaha Hey’adda NISA Gen C.raxmaan Maxamed Tuuryare.