Tahriibayaal Soomaali u badan oo laga soo badbaadiyay Badda Mediterranean

Ugu yaraan 2,000 oo tahriibayaal u badan Soomaali ayaa laga soo badbaadiyay badda Mediterranean sida ay qortay VOA.

Wakaalada Wararka SONNA oo soo xiganeysa VOA ayaa sheegtay in muhaajiriinta la badbaadiyay ay saarnayen dooman laga sameeyay goomayaal la aariyeyay.

Markab nooca xamuulka ah oo aan la sheegin wadanka laga leeyahay ayaa ka qeyb qaatay badbaadinta muhaajiriinta sida warbaxinta lagu shaaciyay.

Sanadkan oo kaliya ku dhawaad 30 kun oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay badda Mediterraneanka.

Sido kale dad ka badan 400 oo muhaajiriin ah ayaa bishii April ku dhintay badda Midetteraneanka kadib markii ay la degtay doontii ay la socden iyaga oo isku dayay iney doon kale ku wareegan.