Mareykanka oo war kasoo saaray gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay magacaabista guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo toddobaadkii tagay ay golaha wasiirada ansixiyeen.

Qoraalka kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya oo lasoo dhigay twitter, ayaa lagu sheegay inay aad u dhararayaan inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in magacaabidda guddoomiyaha, si uu hoggaamiyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ee madax banaan ay tahay tallaabo muhiim ah loo qaaday sidii Soomaaliya ay uga soo bixi lahayd hadafyada is-beddel ee barnaamijka hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay dusha kala socoto.

Barnaamijkan ayaa muhiim u ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in looga cafiyo daymaha lagu leeyahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa haatan ku sugan magaalada Washington oo uu kala kulmayo madaxda IMF iyo Bankiga Adduunka oo uu arrintan kala hadlayo iyo saraakiisha dowladdda Mareykanka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa saaxiib dhow la ah ra’iisul wasaare Kheyre oo ay ka wada yimaadeen dalka Norway kana wada shaqeeyeen hay’adda NRC ee Norway. Halkan ka aqriso xogta xiriirkooda dhow.