Deeqaha aan Soomaalida u qorsheeyno cidda ay quseyso ayaan kala macaamiilnaa”

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay sida ay u maamulaan deeqaha Mareykanka uu ugu deeqo Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu sheegay in deeqaha Mareykanka uu u fidiyo shacabka Soomaaliyeed si toos ah ay ugu gacan geliyaan cidda ay ku socoto, taasi oo ka dhigan inaysan dowladda Soomaaliya u marsiinin deeqaha dowlad goboleedyada loo qorsheeyo.

Mr Yamamoto, ayaa sheegay in deeqaha ay u qorsheeyaan Soomaalida ay yihiin kuwo ay si toos ah uu gaarsiiyaan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, islamarkaana ay ku saleeyaan baahiyaha ka jira deegaanada ay gaarsiinayaan.

Waxaa uu si cad uu sheegay in kaalmadda Mareykanka ee Soomaaliya aysan aheyn Mid soo marto dowladda dhexe ee Soomaaliya, laakiin ay si toos ah ugu dhacdo maamul goboleedyadda iyo Bulshadda la caawinaayo.

“Caawinaada Mareykanka ee Soomaaliya waa Mid loogu tala galay dadka Soomaaliyeed in ay si toos ah u gaarto dhammaan maamul goboleedyadda  dowladda Mareykanka deeqaha ay ugu tala galashay si toos ah ayay u siisaa sababta ayaa ah in ay yihiin kuwo u baahan taageeradeena in ay gaarto”

“Soomaaliya kaliya ah maahan ee Mareykanka taageeraddiisa ayaaba ah in uu siiyo Cidda ay sidda toos ah u khuseyso” ayuu ku yiri Donald Yamamoto oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho.

Dowladaha Caalamka ayaa inta badan Dowladda Soomaaliya marsiiya deeqaha ay u qorsheeyaan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana Yamamoto uu cadeeyay inay si toos ah ula macaamilaan dowladda iyo dowlad goboleedyada.