Wasiiro ka tirsan Puntland oo laga helay Coronavirus

Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiis cusub oo ah cudurka Coronavirus.

Warbixintooda maalinlaha ee 7-da May sanadka 2020 ayey ku sheegeen in bukaanada ay ka mid yihiin 23 lagu baaray sheybaarka yaala magaala madaxda maamulkaas ee Garowe.

Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay jirto hal dhimasho, balse lama soo sheegin soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay.

Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 59 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Jaamax Faarax Xasan oo guddi ka tirsan ayaa tilmaamay bukaanada cusub ay ka mid yihiin labo wasiir, balse ma uusan magacaabin.

Bukaanadda 8-da ah oo dhamaantooda ah Lab ayaa 2 ka mid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, gobolka Karkaar waa 4, Mudug-na waa labo, sidda warbixinta lagu sheegay.

Wasiiradda cudurka uu soo ritay ayaa si gaar ah isku karantiilay, waxaana xaaladooda la sheegay inay haatan wanaagsan tahay.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran ugu faafayo xanuunka Covid-19 oo fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Sacdiya Food cade

Garoowe