Baarlamaanka Soomaaliya Xal ha loo helo, Khilaafka Dowlada iyo MG Odayaal is xilqaamay ha u kacaan.

Maqaal2.jpgBaarlamaanka Soomaaliya Xal ha loo helo, Khilaafka Dowlada iyo Maamul Goboleedyadana, Odayaal is xilqaamay ha u kacaan.

Baarlamaanka iyo Xukuumada ha la kala Saaro, waysku milmeene:

Baarlamaanka Soomaaliya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sareba, run ahaantii waxay noqdeen halka ay sartu ka qudhuntay, ee aanay Soomaaliya ka horumari Karin!! Dibu dhaca jira oo dhan iyagaa ka masuul ah, waana kuwa fashiliya dowlad kasta oo timaada, waa rag iyo dumar xaqiiqa ahaan u soo shaqo iyo boob tegay dalka!! Dan iyo muraad

Toonana aan ka lahayn in ay Soomaaliya hagaagto!! Waxa u darani waa uun jeebkooda!! Marka miyaan la joogin waqtigii aan odhan lahayn, waa nagu filantahay?!! Arintoodana wax  laga bedeli lahaa, xalna loogu heli dhibaatada baarlamaanka, ee soo noq noqota!! Mu’minka laba goor God lagama wada qaniino!! Bal se inagu waqti aad u dheer, baan

Fiirsanaynay dhibaatadan! waxay is waydiinto tahay, haday Baarlamaankii Xukuumadii ka mid yihiin! Sidee uga filanaa, in ay Xukuumada la xisaabtamaan?!! Sideen se uga filanaa, in ay xukuumadu waajibaadkeeda gudato, maadaama ay baarlamaankii gacanta ku haystaan, oo aanay cid la xisaabtanta ka baqayn?!! In Xildhibaanada Xukuumadu ka

Dhigto wasiiro, wasiiro dowlayaal, ku-xigeeno iwm, waa laaluush kan ugu foosha xun, iyo musuq maasuq oo dhan kan ugu wayn!! Hada dowladan ilaa 40 xildhibaan bay wasiiro ka dhigtay! Tiro intaa le’eg, waa loo balanqaaday, oo waa sugayaal! Tiro kale oo le’eg xukuumada ayay iska dhisayaan, oo u munaafaqadaynayaan, oo waa xil raadis! Tiro

Aan ka yarayn kuwaa, Madaxda Qaranka iyo wasiirada bay booqashooyinka debedaha u raacaan, si ay isaga soo dalxiisaan, luf lufna uga soo helaan!! Dowladu khalad kasta oo ay ku kacdo, sharci kasta iyo distuurka kasta, oo ay jebiso, Xildhibaanadaa aan soo xusnay, ayaa ku difaacaya! Sidii soo jireenka ahayd! Sidaas darteed xukuumadu iyada oo

Aan cidna ka baqayn, kana haybadaysanayn, ayay waxay doonto, oo khalad ah ku kacaysaa, waayo Haya’adii xakamayn lahayd, baa jeebka ugu jirta!! Tan labaadna waa awooda Gudoomiyaha Baarlamaanka, oo leh awood xad dhaaf ah, oo aanay lahayn Baarlamaanada kale ee Aduunka!! Iyada oo uu Aqalkii Baarlamaanku noqday, guri uu

Isagu iska leeyahay, markuu doono furo, markuu doonona xidho!! Isaga oo ka awood badan aqlabiyada Baarlamaanka!! Marka waxan aad uga xumahay, in aanay madaxda Maamul Goboleedyada dalku, kaga hadlin arintan shirkoodii Kismaayo! Manaba ku baraarugsan sida muuqata, arinta Baarlamaanka iyo in ay yihiin halka sartu ka qudhuntay,

Ee ay xukuumadu ka toosi la’dahay! Sidaas awgeed waxan kula talinayaa madaxda Maamul goboleedyada, in ay Miiska wadahadalka ay ku balansan yihiin xukuumada, ay soo saaraan arinta Baarlamaanka guud ahaan, iyo sidii loo lakala sooci lahaa, labadan Haya’adood ee isku milmay!! Waa Xukuumada iyo Baarlamaanka ee.

Khilaafka Dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedyada, ha u kacaan Odayaal iyo Aqoonyahan Soomaaliyeed oo is xilqaamay, halkii Shisheeye ka xalin lahaa!!:

Arintan oo ah iyana mid had iyo goor soo noq noqota, curyaamisayna hanaankii dowladnimo ee Soomaaliya, waxay mar kasta ku dhamaataa Beesha Caalamka, oo soo faragelisa, xalna u raadisa waxa ay labada dhinac isku hayaan, taasna waxay ceeb iyo sharaf dhac ku tahay ummada Soomaaliyeed, oo aduunka looga arko dad aan xalin Karin,

Dhibaatooyinka ugu yar yar ee la soo dersa!! Sidaas darteed, waa in ay Soomaalidu ceebta aan dhamaadka lahayn ka siq siqaan, oo aynu xalino mushkiladaheena, iyada oo aanu Shisheeye ina soo faragelin! Marka waa in ay odayada dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo cid alaale iyo cidii wax is bidaysa ee kale, ee aan ka mid

Ahayn waqtigan Dowlada, ay isu xilqaamaan in ay dhexdhexaadiyaan laba dhinac, si aan uga maarano dhexdhexaadin shisheeye, oo laynkaga faa’idaysto, dalkana waynu wada leenahay ee, Somaalidu waa in ay arimaheeda xalisaa, oo aanay shisheeye uun xalka ka sugin! Waa in ay labada dhinacba arintaas aqbalaan, ismaan dhaafka labada dhinac aad

Buu u qotadheer  yahay, dhinac walibana arimuu ku khaldan yahay, haba u badato dowlada Dhexe ee! Shirkaa waa in heshiisyo lagu gaadhaa, sida arinta Baarlamaanka ee aan soo xusnay, awood qaybsiga oo dib loo xusuusiyo dowlada dhexe, isbedel inay samaysona laga dalbado dowlada, iyo in wax walba wadatashi laga yeeshoo, si kalsoon

Loo abuuro labada dhinac ah, ilaa ay dowladnimadeenu ka taaba gelayso, anaa idhi iyo loo joojin maayo iyo diktaytarnimo waqtigeedii lama joogo!! Ee caqligu ha shaqayo, oo ha lagu mashquulo danta guud, cajalad video ah oo dhamaystiraysa Qoraalkan halkan hoose ka daawo, dalka iyo shacabka Soomaaliyeedna waxan u rajaynayaa guul iyo gobanimo.

 

Halkan fadlan ka daawo Video ga:

 

Wabillaahi atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com