Kenya oo bilowday dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab

Dowlada Kenya ayaa shalay si rasmi ah u bilowday iney dalkooda dib ugu celiso Boqolaal Kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobalka waqooyi Bari Kenya.

Qaxooti gaaraya 180 oo ah dufcaddii ugu horeeysay ayey dowladda Kenya gaadiid ku daabushay iyadoo geysay magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Hey’adda UNHCR ayaa la sheegay in qaxootiga dib loogu celinayo Dalkooda siinayaan lacag sahay ah oo ay ku tagayaan Deegaanadooda .

Qaxootiga ku sugan Dhadhaab ayaa qaarkood go’aansaday in si iskood ah ay dib ugu soo laabtaan Dalka Soomaaliya.

Dowladaha Kenya, ayaa hore u sheegtay in labada bishan oo ku beegneyd shalay ay bilaabeyso dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerooyinka Dhadhaab.