Khaliif sh maxamuud

Gabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud
RED SEA

Published On: Tue, May 15th, 2012

Isimada reer puntland oo dib ugu soo laabtay Magalada Garoowe

Share This
Tags

Ergada Puntland ee maanta la sheegay in ay dib ugu laabteyn magaalada Garoowe ayaa gaaraya 22-xubnood, kuwaas oo saaka diyaarad gaar ah ay ka duulisay garoonka Muqdisho.

Xildhibaan  ka mid ah mudanaayaasha baarlamaanka ayaa u sheegay saxaafadda in ergadii Puntland u mataleysay shirka Muqdisho ay dib ugu laabteyn magaalada Garoowe

Ma jirro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dowladda KMG ah iyo maamulka Puntland oo ku aadan go’aankan ay qaateyn ergada Puntland ka socdota ee ka qeyb galeysa shirka lagu doonayo in lagu soo xulo xubnaha soo dhisaya dastuurka Soomaaliya.

Arrintan waxa ay immaaneysa iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu sheegay in uusan ku kalsooneyn dastuurka la rabo in loo sameeyo Soomaaliya, waxa arrintaas ka dambeeyay hadalk uu habeen hore siiyay Radiyaha Dowladda Radio Muqdisho ra’iisal wasaaraha XKMG ah Soomaaliya Dr. Cabdiwali Cali Gaas, kaa oo uga ka jawaabay warqadii uu qoray madaxweyne Faroole.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay warqadaas in ay ku koobantahay maamulka Puntland oo iyaga ay gaar u tahay, ansixinta dastuurka cusub aan loo fadhin doonin Puntland ama cid kale.

Waxaa waayahan soo badaneysa dhaliilaha loo jeedinaayo dastuurka ay dooneyso in dowladda KMG ah ku ansixiso bisha August ee sanadkan, xiligaas oo ku eg waqtiga KMG ah.

Dowladda KMG ah waxa ay dooneysaa in la dhameestiro dastuurka Soomaaliya, ra’iisal wasaare Gaas oo toddobaadkan tagay goobta shirka odayaasha dhaqanka uu ka socdo ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka in dastuurkii 1960-kii Soomaaliya loo sameeyay ay ansixiyeen 110-oday dhaqameyd. laakin maanta ay ku howlan yihiin 850-oday dhaqameyd oo kala yimid gobalada dalka Soomaaliya oo dhan, wuxuuna kula dardaamay ergada ka qeybgaleysa in masiirka Soomaaliya uu gacantooda ku jiro.

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>