Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Tariikh nololeedka Maalqabeen Ibrahim uunlaaye

Share This
Tags

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW.

Taariikh waliba mar bay qorantaa, qof walibana wuxuu galo ama qabto ayuu taariikhda ku galaa. Qofbaa waxa uu taariikhda ku galaa geesinimo, mid baa ku gala magac dheeri uu ku muteystay arimo kale. Mar walbaa waxaa wanaagsan qof walbaa wuxuu ahaa in laga abaal mariyo. Taariikhdu iyadaa isqoreysa oo qof walbaa wuxuu galaa loo qorayaa oo baal u galaya..

Allaha u naxariistee Ibraahim uunlaaye waxaa uu ahaa nin uu Allaah ugu deeqay hanti ballaran oo runtii ka dhex muuqatay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaaladii caasimada aheyd ee Muqudisho. Luuq walboo aad kasoo baxdo waxaad ku arkeysay Guri uu lahaa ama masaajid uu ummadda ugu deeqay. Waxaa kaloo uu waliba caan ku ahaa dhisitaanka goobaha caafimaadka. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa dhisitaankii isbitaalkii Indhaha ee magaalada Afgooye. Waxaa kaloo ibraahim Uunlaaye lagu xasuusan doonaa barnaamijyadii horumarinta isboortiga iyo waliba sidi uu u taakuleyn jiray Kooxdii gobolka jubbadda hoose ee Kismaayo.

Ibraahim Uunlaaye waxaa uu ahaa nin qaran oo waliba muwaadin Soomaaliyeed ah, aadna u taakuleeya dadka saboolka ah iyo waliba dadka liita. Waxaa kaloo lagu xasuustaa qeybtii libaax ee uu kasoo qaatay halgankii dhalinyarada ee SYL

Ibraahim Uunlaaye waxaa kaloo uu ganacsi ballaaran ku lahaa waddamadii geeska Afrika gaar ahaan magaalada Nairobi. Sidoo kale waxaa uu hanti ballaaran iyo ganacsi xoog leh ku lahaa magaalada Kismaayo. Allaha u naxariistee taariikhdiisu kuma soo koobi karno qoraal kaliya ee laakiin taariikhda iyadaa xusi doonta.

Geeridu waa xaq, naf walibana maalinteeda ma dhaafeyso, laakiin Ibraahim Uunlaaye wuxuu ahaan doonaa mid aan xusuusta ummadda Soomaaliyeed si ciyaar ciyaar ah uga bixin waxaana lagu soo xasuusan doonaa sida ay hantidiisii u bishay bilicdii caasimada iyo waliba magaalada Kismaayo.

Mart labaad iyo mar saddexaadba waxaan leenahay Allaha u naxariista oo janatul ferdowsa ka waraabiyo, dadkiisii, eheladiisii iyo waliba guud ahaan ummadda soomaaliyeedna waxaan leenahay Allaha samir iyo iimaanba idinka siiyo. Aaamiiiiin.

 

Cabdixakiim Jaamac jooje

Social Development Adviser – Leicester UK

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>