ararkii Ugu Danbeeyay Dagaalo Dhiig Badan ku daateen oo Xudur ka dhacay iyo meydad saakay Tuban Degmadaasi
Wararka aan ka heleyno Degmada Xudud ee Caasimada Goboleedka Bakool ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi ka dhacay mid kamid ah Dagaaladii ugu cuslaa ee ka dhaca Degmadaasi.
Dagaalka xalay ayaa ka dhashay kadib markii Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab dhoor jiho ka weerareen Degmada Xudur iyagoona Dagaalo Saacado badan qaatay kadibn Shabaab usuurto gashay in xaafado kamid ah Xudur gudaha u galaan ,.
Dagaalka ayaana sii xoogeestay markii Al-Shabaab gudaha u galeen Xudur iyadoona Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada xeryaha kasoo baxeen Dagaalo fool ka fool ahna kala hortageen Al-Shabaab iyadoona ugu danbeyn Shabaab laga saaray Degmada Xudur.
Al-Shabaab ayaa markii danbe ka baxday guud ahana Degmada Xudur iyagoona dib ugu laabteen goobihii ee markii hore kasoo duulaan tageen.
Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Dowlada KMG ee Soomaaliya Maxamad Macalin ayaa sheegay in Dagaalkii xalay uu ka dhashay weerar ee Shabaab kusoo qaadeen Degmadaasi laakin waxa uu sheegay in Dagalakaasi jab iyo qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in 15-Dagaalyahana oo Shabaab katirsan ku dileen Dagaalkaas kuwaa oo meedadkooda qaarkood ka careen sida uu xusay Maxamad Macalin ayaa sidooo kale sheegay in haweeney dadka Deegaanka ahaa Dagaalkaasi ku dhimatay.
Al-Shabaab ayaa dhinacooda guulo ka sheegaty iyagoo xusay in Qasaarooyin xoogan gaarsiiyeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiay gudahana u galeen Xudur kana soo furteen hub badan.
in kabadan 10-ruux oo labada dhinac ah iyo Shacab ayaa ku dhintay dagaalkii xalay oo lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee xudur ku dhax mara Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab.
Xaalka ayaa saakay ah mid dagan waxanaa Xudur kasocda aasida meedadka dadkii xalay ku dhinaty dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Degmadaasi.





























