War Deg Deg Ah Qarax Xoogan oo Qasaare badan dhaliyay oo goordhaw ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya
Wararka naga soo gaarayo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maanta oo Axad ah qarax xoogan uu ka dhacay Kaniisad kutaala Caasimada Kenya ee Nairobi.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa bam gacmeed lagu weeraray kaniisada iyadoona xiligaas ee kusugnaa dadweyne fara badan oo kaniisadaasi cibaado ahaan u galay sida aaminsanyihiin maanta oo axad ah.

inta la ogyahay hal qof oo kusugnaa Gudaha kaniisada ayaa weerarka ku dhintay 15-kalana dhaawcayo ayaa soo gaaray kuwaa oo loola cararay Isbitaalada Nairobi si loogu daweeyo.
Afhayeenka Booliiska Kenya Moses Ambate ayaa saxafada u sheegay Jiritaanka Qaraxan maanta lala eegtay Kaniisad kutaala Townka Nairobi halkaasna uu ka dhashay qasaarooyin dhimasho Dhaawac iyo bur bur isugu jira.
lama oga wali cida si dhab ah uga danbeysa weerarkan mana jiraan cid ilaa wali sheegatay masuuliyada qaraxan maanta ka dhacay Kaniisad kutaala Magaalada Nairobi.
Qaraxn ayaa kusoo aadaya xili maalamo kahor Safaarada Mareykanka ee Kenya ka digtay weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca gudaha Dalka Kenya gaar ahaan goobaha dadku isugu yimadaan, qaraxyadaa oo loogu aargudayo sanad guuradii kasoo wareegatay Markii Mareykanka dileen Osaama Bin ladin HogaamiyihiiAl-Qacaida





























