Madax kasocota wadanka Jarmalka oo Maanta Booqasho ku yimid Puntland
Wafti heer sare oo uu hogaaminaya sawfiirka wadanka jarmalka ufadhiya Kenya iyo Somalia Kenya Mr. Micheal Hassanue ayaa soo gaaray Puntland Waftiga ayaa kulamo la qaatey Madaxda dowlada Puntland oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, madaxweyne ku xigeen Cabdisamadcali shirre iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland.
Dowlada Jarmalka ayaa dadaal ugu jirta sidey u Puntland uga caawin lahayd ladagaalanka Burcad badeedka iyo in Deeganada Puntland laga hirgaliyo xabsiyo lagu xiro kumanyaal dhalinyaro soomaaliya oo ku xiran Dalka dibadisa oo ay kamid yihiin 12 dhalinyaro ah oo ku xiran Dalka Jarmalka.
Kulamada waxaa kaloo goobjoog ka ahaa wakiilo ka socda Qaramada Midoobey qaybtooda la dagaalanka burcad badeeda Mr.Alan Cole, la taliyaha saxaafada UNODC Weyne Miller iyo Eng. Trevor Sway madaxa waaxda dhisitaanka hayada UNOPS.
Madaxdaan ayaawaxay so indhaha soo mariyeen xabsiga Dhexe ee Magaalada garowe iyo Wasaarada cadaalada, waxay kaloo soo booqdeen dhismaha Xabsiga cusub oo hada shaqadiisu socoto, kormeerka ay waftigu ku tageen goobahaan waxaa wehliyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dekadaha iyo Ladagaalanka Burcad Badeedka iyo Wasiirka caafimaadka PUntland.
Wadamada reer Yurub aya waxay bixinayaan Malaayiin Dollar oo lagula dagaalamayo Burcad badeedka, waxayna hore ugu balan qaadeen dawlada puntland in ay ka caawin doonaan sidii looga hortgi lahaa kooxa burcad badeeda ah ee dhibaatada ku haya xeebaha somalia .





























