Sheikh Shariif oo Magacaabay Gudiga laa hadli lahaa somaliland, iyo Dawlada Puntland oo walaac ka muujisay magacaabista gudigaas warbxin
Madaxweyne sheekh shariif ayaa magaacabay gudi heer wasiiro ah oo ka kooban ilaa 7 xubnood kuwas oo kala ah 5xubnood oo ka socda Dawlada KMG xaga dhanka kale ay ku jiraan 2xubnood kuwaas oo kala ah wasiirka Arimaha guduha iyo dawalada hoose Mudane Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo Dr.Da’ud Maxamed Cumar wasiirka Qorshaynta iyo Xiririka Caalamiga ah.
Guddigaani ayaa waxa ay magaalada London ee dalka Britain kulan kula yeellan doonaan guddi uu horrey u magcaabay madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo sida la sheegay.
Madaxweyanaha dowlada KMg Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay wax wanaagsan tahay wadahadalada dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba maamulka Soomaaliland.
Madaxweyne Shariif iyo wefdi oo hoggaaminayo ayaa dhinaca kale u anbabaxay dalka Ethiopia, halkaasi oo uu uga qeyb galli doona shirka madaxda Afrika ee magaalada
Dawlada puntland ayaa weli war rasmi ka soo saarin balse warar aan si hoose uga helnay madax sarsare oo puntland ayaa sheegay in puntland aysan ku qancin in lasiiyo laba wasiir oo keliya balse puntland ay ubaahantahay uga yaraan ilaa 4xubnood ama kabadan waxaana hadii uu khilaafkaas xoogeysto laga yaaba inuu khalkhal galo xiriirka dawalada KMg ee somalia iyo Dawlada puntland .




























