Khaliif sh maxamuud

Gabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud
RED SEA

Published On: Fri, Apr 13th, 2012

Wadamada G-8 ka oo baaq kasoo saaray arrimaha Soomaaliya Muxuu Yahay Baaqaas Maxaase Looga Hadlay Shirkas?

Share This
Tags

Shir ay wadamada ku horeeya warshadaha ay khamiistii shaley ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Maraykanka, qodobadii ay ka hadlayeen meel sare kaga jiray arrimaha Soomaaliya. Gabagabadia shirkaasi waxa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 9-qodob oo quseeyay arrimaha Soomaaliya, iyagoo taageeray hannaanka geedi socodka nabadda Soomaaliya, waxaana qodobadkaasi ay u qornaayeen sidan. 1-In la taageero Soomaalida oo lagu gacansiiyo sidii ay uga gudbi lahaayeen marxaladda ay haatan ku jiraan. 2-In dhinacyada soomaalida ay fuliyaan qodobadii ka soo baxay heshiisyadii ay ku gaarayn Garoowe kuwaas oo kala dhacay December 2011 iyo February 2012. 3-In dhinacyadaasi ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda islamarkaana ay isku taxalujiyaan sidii ay uga bixi lahaaayeen xilliga ku meel gaarka iyo fulinta qorshaha roadmap-ka Somalia oo gacantooda ay ku saxiixeen. 5-In loo diyaar garoobo wixii ka dambeeya bisha August oo ay ku egtahay waqtiga dowladda xilligaasna ay dhacayaan doorashooyin. 6- G8 waxay soo dhaweynayaan shirkii London ee dhacay bishii February iyo qodobadii shirkaasi ka soo baxay, waxa ay sidoo kale taageeraysaa shirarka soo socda ee ka dhacaya dalalka Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya. 7- Kooxdu waxa ay diiradda saaraysaa sidii dowladda KMG ay uga gacan siin lahayd la dagaalanka kooxaha argigixisada geeska Africa . 8- Waxa ay sidoo kale ku baaqeyn in la xoojiyo la dagaalanka kooxaha burcad badeedda Soomaalida oo afduubka u geysta Maraakiibta isticmaasha biyaha u dhow Soomaaliya, gaar ahaan gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. 9- Kooxdu waxa ay sidoo ay kordhinaysaa gargaarka ay siinayso soomaalida si ay uga samata baxaan dhibaatada ka dhalatay abaarta haysata. Wadamada la isku yiraahdo G8ka ayaa waxaa ka mid ah France, Germany, Italy, Japan, Britain, Maraykanka, Canada iyo Ruushka, kuwaasoo dhaqaalahooda ka sareeya dalalka kale ee caala

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>