Dawlada KMG ee somalia oo kalsoonidii kala laabtay Khatumo iyo khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay madaxda dawlada somalia
ilaa markii ay soo baxeen warar sheegaya in la aqoonsaday Maamulka Khaatumo state of somalia ayaa waxaana mudo gaaban soo baxay khilaaf xoogan oo udhaxeeya madaxda Dawlada KMG ee Somalia kaasoo kusabsan aqoonsiga khaatumo .
madaxweynaha somalia sheikh shariif sheekh ahmed ayaa aad usoo dhoweyay khaatumo waxaana uu arkay in la aqoonsiga khaatumo maada uu yahay maamul diyaar u ah midnimada umada somaliyeed waxaana uu madaxweyne sharif la saxiixday heshiis maamulka khaatumo .
sidoo kale waxaa arintaas aad uga soo horjeedsaday Ra,isalwasaraha kuxigeenka dawlada somalia ahna wasiirka difaaca somalia Xuseen Carab Ciise oo asal kasoo jeeda somaliland ayaa aad uga soo horjeedsaday in lakala gooyo gobalada waqooyiga somalia usagoo ku dooday in khaatumo ayasan buuxin sharuuda maamul gobaleed ee ah 2gobal iyo bar usagoo sheegay sidoo kale in somaliland iyo dawlada KMG uu heshiis usocdo saas darteedna aysan macquul ahayn in dawalada KMG ee somalia aqoonsato khaatumo .
Khilaafkan ayaa waxaa cirka iskusii shareeray kadib markii soamliland iyo puntland ay aad uga xumaadeen in khaatumo ay aqoonsi ka heshay dawalada KMG ee somalia .
Intaa kadib madaxweyne sheekh shariif ayaa hadal jeedayay shalaybusago hadlkaas uu umuuqday mid uu puntland ku sababay usagoo sheegay in aqoonsiga khaatumo uu ahayn mid puntland lagu burburinayo .
Hadaba arintu waxay cirka isku sii shareertay markii khilaafku uu gaaray madaxda sare ee dawlada uu kamid yahay ra,isalwasaraha somalia ahna wasiirka difaaca xuseen carab Ciise iyo Ra’iiul kuxigeenkaa somalia ahna Wasiirka beeraha iyo Xanaanada Xoolaha mudane,Maxamed Maxamuud Xaaji oo dhinac kuwaas kasoo horjeeda khaatumo in la aqoonsado .
Wararkii ugu danbeyay ayaa sheegaya in caawa ay shirar ka socdan aqalka madaxtooyada Villa somalia shirarkaas oo udhaxeya madaxda kala duwan ee dawlada ee iskaka soo horjeeda qadiyada maamulka khaatumo .
HALKAAN KA AKHRI DIGEREETADA KASOO BAXADAY RA,ISALWASARAHA KUXIGEENKA EE KHAATUMO LAGALA LAABTAY AQOONSIGA .



























