Khaliif sh maxamuud

Gabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud
RED SEA

Published On: Thu, Dec 15th, 2011

Colaadii Rako oo xal laga gaaray.

Share This
Tags

Ergooyinkii nabadeynta ee ku dhex jirey beelihii dhowaan deegaano ka tirsan degmada Rako ee gobolka Karkaaree Maamulka Puntland ay xurguftu ku dhexmartay ayaa kasoo ambabaxay deegaanka Lebi oo ay gogol nabadeedi ooleyd ka gadaal markii labadii dhinac ee wada hadalku u socdey ay heshiis rasmi ah kala saxiixdeen.

Ergooyinkaas oo isugu jirey Isimo, Cuqaal, Nabadoono, Culimaa’uddiin, iyo Ganacsato ayaa intooda badan waxay ka kala yimaadeen gobolada Karkaar, Nugaal, iyo Bari waxayna mudo labaatan casho ka badan ku howlanaayeen sidii ay colaad dad badani ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen oo labo beelood deegaanka (Medka) ee ku yaala miyiga degmada Rako-Raaxo ku dhex martay loo qaboojin lahaa arintaas oo ay soo afjarideeda si dhamaystiran ugu guuleysteen.

Isimada iyo Waxgaradka mudada 3-asbuuc ku dhow deegaanka Lebi oo qiyaastii 45km dhinaca bari magaalada Rako kaga beegan ku sugnaa oo tiradoodu ay 48 ka koobneyd ayaa u kala qaybsanaa sidan:

Bari:           29 waxaana horkacayey Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.

Karkaar:   14 waxaana hormuud u ahaa Suldaan Khaalid Abshir Salaax.

Nugaal:     14 waxaana hogaaminayey Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

 

Sidoo kale waxaa iyana madashii heshiiska nabadeed lagu gaarey kasoo hayaamay ciidamo Boolis ah oo  bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Nov loo dirtay halkaas si ay u kala dhex galaan labo mileeshiyo oo dagaal khasaare badan geystey uu deegaanadaas ku dhex maray,

Is afgarka dhex maray beelihii dhowr todobaad ka hor ku dagaalamay Miyiga gobolka Karkaar ayaa yimid kadib markii uu in mudo ah soo socdey shir nabadeed oo ay gar wadeen ka ahaayeen Ergooyin Isimo iyo Waxgarad isugu jira kana kala yimi deegaanada Puntalnd iyo Waxgarad 50 tiradoodu gaareyso oo ka kala socdey labada dhinac .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

www.puntlander.com

 

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>