Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Published On: Sun, Nov 25th, 2012

Dowlada Turkiga oo Muqdisho ka Bilowday Dhismaha Wadooyinka

Share This
Tags

Dowlada Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho ka Bilowday Dayactirka wadooyinka iyo xarumaha Dowlada, waxayna arintaan ka dambeysay balan qaad ay sameysay Dowlada Turkiga , kaasoo ahaa inay mataaneyn doonto Caasimada Muqdisho iyo Caasimada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Wadooyinka hada ay ka bilaabatay dhisamaha waxaa ka mid ah Maka Almukarama, waana halbowlaha Muqdisho, wadadaan inta badan waxaa ku safra madaxda Soomaalida iyo kuwa Caalamiga ah ee soo booqanaya Magaalada Muqdisho, sidoo kale wadadaan waxa ay isku xirtaa xarunta madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Muqdisho waxaa ku sugan shirkado badan oo u tartamaya dhisida wadooyinka iyo Xarumo casri ah, waxaana ay ka mid ah Shirkado ka socda Dowlada Turkiga oo ku howlan bilic soo celinta Muqdisho.

Sidoo kale Degmooyinka Muqdisho waxaa ka socda mahsaariic dib loogu dhisayo xarumaha Degmooyinka iyo wadooyinka, Degmooyinka Wadajir,  C/casiis iyo Shangaani ayaa gacanta lagu hayaa hada oo laga bilaabay mashaaricdaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa Bilaha soo socda inay wax iska badalaan dhanka Bilicda iyo wadooyinka, maadaama ay hada bilowdeen dhismaha iyo bilic soo celinta Xarunta Dalka Hooyo ee Muqdisho.

 

www.puntlander.com

Contact:webmaster@puntlander.com

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>