Dawlada Puntland oo shaacisay in Kaararka Aqoonsiga ah loo sameyn doono Muwaadiniinta reer Puntland.
Dawlada Puntland ayaa shaacisay in Muwaadiniinta reer Puntland loo samaynayo Kaararka aqoonsiga.
Wasiirka arrimaha gudaha, Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo maanta la hadlay Warbaahinta Caalamiga ah ayaa sheegay in uu jiro qorshe Muwaadiniinta reer Puntland ee shuruudaha muwaadinnimada buuxisa loogu samaynayo Kaararka Aqoonsiga.
Wasiirku wuxuu sheegay in qorshahani laga hirgalinayo dhamaan gobollada Puntland ee miyi iyo magaalaba leh islamarkaana hawlwadeenadu ay tagi doonaan meel walba oo ay muwaadiniin reer Puntland ah ku nool yihiin deegaanada Puntland islamarkaana muwaadin kasta loo samayn doono Kaarka aqoonsiga.
Wasiirka arrimaha gudaha, Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir wuxuu carabaabay in qorshani uu yahay mid mudo badan ay dawladu soo waday kuna hanweynayd in ay hirgaliso, wuxuuse carabaabay danta ugu muhiimsan ee laga leeyahay in ay tahay arrimaha doorashada iyo Marxalada Axsaabta badan ee Puntland oo uu waxyaabo badan fududayn doono.
Inta aan samaynta Kaararkan aqoonsiga la bilaabin, waxaa ka horeeya sida uu wasiirku sheegay Tirakoobka dadka oo laga samayn doono dhamaan deegaanada Puntland miyi iyo magaalaba.
Waxa samaynta Kaararkan loo xilsaaray Shir wadaniga ah ee PITECH oo ah mid gaar loo leeyahay islamarkaana inta badan dawlada kala shaqaysa samaynta Kaararka Sharciga ah, waxaana Kaararkan loo samayn doonaa cid walba oo buuxisa shuruudaha Muwaadinnimada oo ay ka mid tahay arrinta deganaashaha mudada dheer ee la xaqiijiyay, iyo in qofku uu ku dhashay gudaha deegaanada Puntland deegaan walba ha ka soo jeedee.
Wasiirku wuxuu sheegay in qorshahani uu si deg deg ah mar dhaw uga bilaaban doono dhamaan deegaanada Puntland wuxuuna xaqiijiyay in Kaararkani ay yihiin kuwo aan la Copy-garayn karin maadaama qofka laga aadayo Suulkiisa iyo Sawir insha ah oo u haraya shirkada Dawlada kala shaaynaysa arrintan iyo Wasaarada arrimaha gudaha lagana helayo xilli walba oo loo baahdo.
Arrintani waxay ka mid tahay orshayaasha horumarineed ee dawlada Puntland ay ku talaabsatay mudooyinkii ugu dambeeyay aadna moodo in ay la jaanqaadayaan qorshaha Khariirada horumarinta iyo geedi socodka hanaanka siyaasadeed ee Puntland ay gashay.





























