SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS FAGAARE KULA HADALAY DAD CIIDYA IN LA JIHAADANA FARAY DAAWO
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah madaxda ururka Alshabaab ayaa maanta kala qeybgalay shacabka magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose tukashada salaada ciidal Fitriga.
Tukashada salaada ciida kadib ayaa Shiikh Xasan waxa uu qudbad dheer u jeediyey shacabkii ka soo qeybgalay salaada isagoo ka hadlay faa’idada ummada Islaamka ay u leedahay bisha Ramadaan ee la soo dhaafay.
Shiikh Xasan Daahir ayaa ku celiyey mar kale in ay la jihaadayaan ciidamada dowlada iyo kuwo ajaaniibta ah ee dalka ku sugan illaa ay guulo ka gaaraana aysan joojin doonin.
Sidoo kale, Sheekh Xasan wuxuu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay ka go’an tahay inay dagaallada sii wado inta ay ka hirgelinayaan in dalka oo dhan lagu maamulo diinta Islaamka.



































