Saxaafadda Ingiriiska oo soo saartay Mataanka Mo Farah oo Hargeysa jooga.
Wargeyska Mail ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa baaritaan wariye u diray Soomaalia waxaa ay kusoo barteen oo shaacbaxiyeen qoyska Orodyahanka Mo Farax oo asigo kasoo jeedaa halkaasi iyadoo ay soo sawirteen wareysina ka qaadeen Xasan Farah oo mataan la ah Mo , aadna isku shabaha wajiyadooda.
Mataanahan Xasan Faarax iyo Maxamed Faarax oo Mo loo yaqaana ayaa waxaa ay kala lumeen oo ay kala hareen xili ay 8 jir ahaayeen iyadoo Mo iyo 2 caruur kale ah oo qoyska dhaleen ay fursad u heleen inay u dhoofaan dalka Ingiriiska halkaasoo ay kusoo kala hareen xero qaxooti oo ku taala dalka Jabuuti .

Mataanka Mo Farah Hassan oo lasoo sawiray isagoo sameeynaya astaanta uu caanka ku yahay walaalkii xilli uu joogay guriga uu ka degan yahay magaalada Hargaysa.
Mo Farah iyo labo isaga ka wayn ayaa Ingiriiska yimid si ay ula noolaadaan aabohood halka kuwii kale iyo Xasan looga soo tegey Soomaaliya
.Xasan wuxuu ku barbaaray bus iyo busaarad iyo xaalad faqri ah isagoo ku sugnaa dalka ay Soomaaliya deriska yihiin ee Jabuuti isagoo lkn si aan xumaani ku jirin ula soconayay xaalladda walaalkii oo nin muuqda ka noqday garoomada lagu baratamo ee dalka Ingiriiska.
Mo ayaan ka hadlin xaallada nololeed ee qoyskiisa ku sugan Africa. Lkn wargayska The Mail on Sunday ayaa Xasan ugu tegey gurigiisa ku yaalla Hargaysa, Woqooyiga Soomaaliya todobaadkii tegey.
Waxayna ahayd halkaas meel malaha aduunka barkii ka fog halka uu ku yaallo garoonka Olympic Stadium ee magaalada London ee carro Ingiriis oo uu walaalkii isagoo hal-wayn hillinada (kanaallada) caalamiga ah ka daawanayay walaalkii oo labaaleey taariikhi ka sameeyey dalka Britain oo uu laba biladood oo dahab ah usoo hooyay.
Saqdii dhexe ayay dadka wanaagooda jeceli waxay soo garaacayeen albaabka guriga Xasan oo ah nin magaalada oo dhan laga wada yaqaanno.
Shalay, ayaanu u tagnay ayay leedahay gabadha warkan qortay isagoo weli ku dabaal degaya funaanadda xulka Britain ee Team GB, balse Xasan wuxuu bilaabay inuu ka sheekeeyo qisada xanuunka badan ee kala gaysay isaga iyo walaalkii.
”Waxaan iskaga mid ahayn wax kasta, dad kala go’i kara maynaan ahayn” ayuu yiri. ”Waxaanu cunada ku wadaagi jirney hal saxan, sariir baanu isla seexan jirney, waanu isla ciyaari jirney oo wax isla baran jirney, waayo waxaa jirta in jacaylka mataanuhu uu ka qoto dheeryahay jacaylka walaalaha kale” ayuu sheekadiisa ku bilaabay Xasan.
”Markii uu Mo iga tegey qalbigayga meel baa ka dalooshantay. Weli meeshii lama daboolin lkn waxaan ogahay inuu meel uun qalbigayga kaga yaallo anna kiisa”
”Sida qoysas badan oo Soomaali ah waxaa nakala riday dagaal. Teeydu way kasii qaraartahay kuwa dad badan. Waayo waxaan ku waayay qaybta kale ee nafteeyda oo ah mataankayga”.
Maalmahan waanu isu dhownahay weli, waloow ay jiraan dhibaatooyinka safar iyo kuwa isgaarsiineed ee dalkan” ayuu yiri Xasan.
Xasan ayaa rumaysan inuusan weligii magdhabi karin sanadaha ay kala maqnaayeen, lkn wuxuu sheegay in markii uu walaalkii ku guulaystay orodka 10,000 ee mitir inuu walaalkii ahaa qofkii ugu horeeyey ee uu wacay.
Wuxuu igu yiri buu yiri: ”Walaalkay iisoo ducee. Waxaan rajo wayn ka leeyahay inaan bilad 2-aad oo dahab ah ku guulaystee. Waayo waa wixii aan sugaayay weligeey”
L
Hassan Farah ayaa haatan ku nool magaalada Hargeysa waxaana Xasan uu yiri aniga iyo walaalkeey waxaan caruurnimadeenii ku wada seexan jirnay sariir waxaana iskula wada cuni jirnay saxan, waxaan isla xiran jirnay dharka , balse daruufo ayaa inakala waday aniga iyo mataankeeygii , waxuu Xasan intaa ku daray in ay isaga iyo Mo isku koox ahaan jireen oo ay wada ciyaari jireen kubadda ayna aad xariif ugu ahaayeen ciyaaraha ispoortiga ayna ka adkaan jireen kuwii la tartamo.

Mataanka Mo farah Hassan Farah oo sameynayo actionka Mo farah ee Mobot

Mo farah oo sameynayo dabaaldagga uu u baxiyay Mobot xilli uu labadiisa billad soo xirtay.
Wariyaha qoray warbixintan ayaa intaa ku daray qormadan inuu la kulmay Mo farah Walaashiis Nimco oo haysta cunug yar oo 2 jir ah oo ay dabeyl hayso waxaana wariyaha uu sheegay inay daruuf adagi ka muuqato qoyska Mo iyo halka ay ku noolaayeen oo ah tuulo ku dhaw magaalada xuduuda ah Wajaale ee Ethiopia.
Mo Hooyadiis ayuu wariyu ku xusay inay tahay shaqsi xijaaban oo aad ugu xishooneysa wariyayeeyasha inay la hadasho waxeyna jawaab u waysay su’aal la weydiiyay oo aheyd maxaa sababay in caruurtaada lakala reebo iyagoo waliba qaarkood mataano ah , waxeyna ku jawaabtay inaysan garaneyn sanado dheer kahor wax dhacay laakin ay hada u rajeysay inay dib isku helaan ilmaheeda oo uu MO ku soo laabto halkaasi oo ah meesha ay qoyska ku noolyahin.
Degmadan ay qoyska Faarax dagganyahiin waa mid aan biyo laheyn oo horumarkeeduna liito waa mid aad u adagtahay nolosheeda waxaana rajeynayna inuu wax ka bedelo mustaqbalka caruurteena iyo deegaanka ayay tiri Mo Walaashiis Nimco.
Faarax Walaalkiisa kale ayaa isna leh makiinad cagaf cagaf ah oo beeraha ku falo taasoo uu usoo diray Mo faarah .
Walaalaha Mo ayaa waxaa haatan 2 dii lagu soo reebay Soomaliya ay ku noolyahiin halkaasi mataanka Mo Farah oo ah Hassan laakin waa Injineer taleefanada oo shaqo wanaagsan ayuu haystaa, waxaana uu aad u taagersanyahay walaalkiis asigoo sameeyay qaabka uu dabaaldago mataankisa Mo Farah oo ku caanbaxay oo ah Mobot taasoo uu sameeyay markuu labadii biladood ka helay ciyaaraha Olombikada oo uu ordayay Britian.

Mo farah walaashiis Nimco oo haysta caruurteeda uu mid ka mid ahi xanuunsanyahay
Saxaafada ayaa hadaba ku dheeraatay arrinkan qoyska Mo Farah taasoo ay ku sheegeen inay aheyd murugo iyo xanuun in qoys caruurtooda oo lix ka kooban 3 lasoo waday sedexda kalena ay laga soo tagay taasoo ka dhigtay maqalka mid xanuun leh oo dad badan ka faaleeyeen.

Aqalkii uu deganaa Mo Farah oo ku yaala Deryanka , haatan ay degantahin qoyskiisa



























