BOOSASO SI WEYN LOOGA CIIDAY DAAWO
Waxaa maanta si weyn looga ciidey magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland,iyadoo Maamulka Gobolka bari iyo kan degmada Boosaaso ay kumanaan qof maanta salaadii ciida kula tukadeen garoonka Kubada Cagta ee Bosaso.
Sidoo kale masaajidada kala duwen ee boosaaso ayeey dadka qaar ku tukanayeen maadama ay ciidani ku soo beegantey xili kuleyle ah oo dadka intiisa badani aysan soo gaari Karin garoonka kubada cagta.
Salaadii ciida kadib waxaa halkaasi ka Hadley sheikh Heeryo oo umada Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabada Ciidul fidriga,isagoo sidoo kale ka sheegey in ay jiraan dad iyagu aanan maanta haysanin wax ay ku ciidaan loona baahan yahay in la caawiyo,isagoo shiikhu ganacsatada Puntland baaq u direy kana codsadey in loo gargaaro dadka barakacayaasha ah.
Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo isna ka Hadley ayaa umada reer Puntland gaar ahaan reer bosaso uga hambalyeeyey munaasaba ciidul fidriga.
Sidoo kale duqa boosaaso ayaa ka codsadey ganacsatada reer bosaso in ay u gargaaraan dadka barakacayaasha iyo maxaabiista ku jirta xabsiga weyn ee bosaso, si buu yiri ay farxada kala qeyb qaataan umada reer puntland.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka bari ahna kusimaha Gudoomiyaha Yuusuf Muumin Bide ayaa umada reer puntland isagoo sheegey in shacabka reer bosaso uu salaan ku aadan munaasabada ciidul fidriga uga sido madaxweynaha dawlada Puntland.
Ciidan ayaa ka duwaneyd ciidihii hore iyadoo amaankana si weyn loo adkeeyey dhamaan wadooyinka ku yaala bosaso ayaa ciidamo la dhigey iyadoo masaajida waaweyn ee bosasona ciidamo la dhigay si ay amaanka u sugaan.





































