DAGAAL CULSUS OO SAKAAY OO CIID AH KA QARXAY DEGMADA BALCADA
Dagaal culus oo u muuqdo mid lagu soo dhaweeynaayo ciida ayaa goor dhaw waxa uu ka qarxay duuleedka degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe, waxaana dagaalkaasi uu yahay mid aad u xoogan.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah, iyadoona dagaalka uu ku bilaawday weerar culus oo ay ciidamada Xarakada Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.
Dagaalka ayaa ah mid aad iyo aad u xoogan, waxaana la isku adeegsanaayaa hub aad u culus, iyadoona la sheegaayo in Al-shabaab duulaankaan ay qaab qorsheeysan usoo qaadeen, in kastoo aan la xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Dadka ku dhaqan degmada Balcad iyo nawaaxigeeda ayaa waxay yihiin kuwo wadnaha farta ku haaya, waxaana ay ka baqanaayaan dagaalkaasi socda iyo rasaasta la isku adeegsanaayo.





























