Ururka Ehlu Sunna Waljameeca Oo Ka Tigtay Dhibka Ka Imaan Kara Hadi Mar Kale La Dorto Sheekh Shariif
Isagoo lahadlaayay qaar kamid ah warbaahinta ka howlgasha Muqdisho madaxa Warfaafinta Ahlusuna C-laahi AxmedSamarayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Shariif uu san markale isku sootaagin xilka madax tinimada Dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay xalka Soomaaliya in uu kujiro in uu san markale Madaxweyne Shariif uu san isku sootaagin xilka Madaxtinimda Dalka Soomaaliya sida uu sheegay.
Waxaa uu tilmaamay labadii sano ee lasoo doortay in uu san waxba ku qaban waxa uu intaaasi raaaciyay in sadan loogu daray iyana uusan waxba kuqab sida uu sheegay waxaana uu intaasi siidaba dhigay hadalkiisa in xalka Soomaaliya uu kujiro in uusan markale isku sootaagin xilka Madaxtinimada Dalka Soomaaliya.
Waxaa uu arintaan usababeeyay oo uu yiri “hadii Madaxweyne la doorto isaga ayaa masuul ka ah sareenta sharciga Dalka dhamaan howlihii loo idmadayna uu ufuliyo sida uu sheegayna dhibaatooyinka Dalka in uu sal u yahay isaga.
Madaxa warfaafinta Ahlusuna C-laahi Axmed Samar oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaa raaciyay in is qab qabsiga haatan kajira dalka uu isga sabab u yahay sida uu sheegay isaga oo doonaya in uu dad isaga taageersan ay jagooyinka Dowlada ugu soolaabtaan si uu u tartamo.
Dhanka kale waxa uu kahadlay Xilibaanada Barlamaanka ee haatanba lasoo xulay in gudiga faarsama ay soo xulaan Xilibaano dalkaan iyo dadkaan matali kara haweenka Soomaaliyeedna ay kamid noqdaan xilibaanada lasoo xulaayo waxaa uu sheegay in aan la xaqirin haweenka soomaaliyeed oo lasiiyo Xubintooda lana soo xulo sida uu sheegay dad nadiif ah o aqoon leh Dalkana dhibaaatada kasaarikara.
Waxa uu carabaabay in gudiga farsamada hooshooda loodaayo oo an la carqadaden loona hadandadin sida uu sheegay si ey u sooxulaan dad wax tarleh.
Xalay ayay aheyd markiii gudiga farsama uu soogudbiyay liiska xilibaanada cusub ee kamid noqonaayo baarlamaanka cusub ee uu yeelanayo dalka soomaaliya.



























