Farmaajo: oo ugu Hanbaliyeeyay Umadaha Islaamka meelwalba oo ey Joogaan Ciidul fidriga
Ra,isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaaajo oo haatan ah Murax u taagan qabasha xilka madaxtinimda Dalka Soomaaliya ayaa Umadaha Islaamka meelwalba oo ey joogaan gaar ahaan umada Soomaaliyeed ugu hanbaliyeeyay maalinta ciidul fidriga.
Isagoo lahadlaayay warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in umada Islaamka uu ugu han baliyeenayo maalinta ciidul fidriga gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ey kajoogaan Aduunka.
Ra,isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaaajo oo haatanna ah musharax u taagan xilka madax tinimda Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ey joogaan uu u rajeenaayo in ciidaan ciideeda ay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad galiyo.
Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadakaan sanadkiisa ey ku iidaan Dalka Soomaaliya oo ah mid nabad ah waxa uu sheegay Farmaajo in ciidaan ey kusoo aaday xilli uu Dalka galirabo nidaam cusub sida uu sheegay.
Maalinta Birito ayaa waxa ey ku began tahay maalinta ciidul fidriga oo ey u dabaal dagayaan ayna ku farxayaan umadaha Islaamka caalamka meel walba oo ey joogaan.



























