TOP SECRET: Ninka qaatay hantida ugu badan ee lugu musuq-maasuqay magaca dowladda oo lahelay sawirkiisa
Sawirkan kore waa Yusuf Sheikh Mohamed oo eey madaxweyne Shariif yihiin qaraabo dhow. Sawirkaas waxaa la qaaday sanadii 2009 gudaha madaxtooyada(Villa Somalia).
Sheikh Yusuf wuxuu deganyahay xaafadda South-ka ee magaalada Nairobi, halkaas oo uu ku leeyahay qasri aad u weyn iyo iyo ganacsi kaladiwan. Waxaa kale oo uga furan makhaayad kutaal faras magaalaha Nairobi luguna magacaabo Kapital Coffee Ltd.
Hantida uu u haayo madaxweyne Shariif ayaa wexey kor u dhaafeeysaa $12m (laba iyo toban milyan oo doolarka Mareeykanka ah). Hantidaas ayaa looga shaqeeyaa Dubai, Nairobi, Mogadishu China iyo meelo kale.
Cabaas Sheikh Mohamed oo eey walaalo yihiin Sheikh Yusuf ayaa dhawaan u xawilay Nairobi lacag gaareeyso $3.7m (sadex milyan iyo todoba boqol oo kun oo doolar) taas oo lugu maalgeliyey ganacsi dhismaha guryaha ah oo kasocdo Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii.
Waxaa kale oo la sheegay in lacagtaas iyo lacago kale oo fara badan loogu talo galay in lagu iibsado codadka xildhibaanada maadaama wadankaas Kenya caasimadiisa Nairobi eey ka bilaabatay ololihii cod iibsiga ee madaxweyne Shariif.
Waxaa laxaqiijiyey in howlwadeen katirsan madaxtooyada oo layiraahdo Mursal Saneey uu tiro kasadex jeer aaday magaalada Nairobi muddo 10 maalmood gudohood ah isaga oo xiriirye ka ah ololaha laaluush bixinta ee madaxweyne Shariif.
Xildhibaanada cusub qaarkood ayaa lacag loogu shubay akkoono bangi oo eey kuleeyihiin Nairobi, qaarkoodna waxaa loogu dhiibay dad eey ehel ama asaxaab yihiin oo kusigan Nairobi. Ololahaas waxaa kale oo hormuud ka ah Sheikh Yuusuf iyo nin kale oo hantiile ah oo magiciisa lugusoo koobay Cabdiraxmaan Xantame kaas oo qaraabo eey yihiin madaxweynaha. Lacagaha laaluushka loo isticmaalo ayaa lugu kala wareejiyaa xawaaladda Dahabshiil iyo Dubai Bank oo xafiisyo kuleh Nairobi, gaar ahaan xaafadda Soomaalidu u badantahay ee Islii.
Dhinaca kale waxaa la xaqiijiyey in madaxweyne Shariif uu diyaarsaday ilaa 300 maleeshiyaad beeshiisa Agoonyare ah oo uu ugu talo galey xilligaan adag ineey fuliyaan khaarijin iyo khalkhal gelin loogeeysto shakhsiyaad halis ku ah ololahiisa doorasho.
Dhaliyaradaan oo lugu qiyaasay ineey gaaraayaan 300 ayaa lagasoo kala aruuriyey qeybaha kaladuwan ee ciidanka DFKMG halka qaarkooodne lasheegay ineey kamid ahaayeen ciidankii lugusoo tababaray Uganda, Sudan iyo Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa maliishiyaadkaas u iibiyey mootooyin iyo bistoolado waxaana madax looga dhigay korneyl Garabeey oo kamid ah madaxda amaanka madaxtooyada kanasoo jeedo qabiilka Agoonyare ee Rati Abgaal.
Tani wexeey dhalineysaa shaki weyn oo laga qabo in madaxweynaha uu leeyahay abaabulka dilalka qorsheeysan ee kazoo cusboonaaday magaalada Muqdisho.
Waxaan idiinsoo gudbin doonaa natiijada baaritaan aan kusameeyney hanti lasheegay in madaxweyne Shariif u dhiibtay nin burcadbadeeda katirsan oo lugu magacaabo Macalin Weli heystane dhalashada wadanka Kenya kaas oo hanti farabadan iyo guryo kuleh Nairobi. Macalin Weli wexey qaraabo hoose yihiin madaxweynaha waxaana ka dhexeeyo ganacsi iyo hanta eey shirko kuyihiin
Qoraalkana Puntlander kama ah Masuul
waxaan ka soo jignay Waajid.com



























