Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Published On: Mon, Aug 13th, 2012

War deg deg ah: In kabadan 60-Kamid ahaa Xildhibaanada Cusub oo laga diiday inay ku biiraan, Yey u badnaayeen Xildhibaanadaas.

Share This
Tags

 

Wararka ay Warbaahinta Puntlander ka helayso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in halkaas siweyn uu uga socdo Isbedel buuxa iyo isku shaandhayn lagu samaynayo baarlamaanka cusub ee beeluhu soo gudbiyeen iyadoona taasi ay noqotay Midii ugu balaarnayd lana soo celiyey rag badan oo siyaasada kujiray mudo dheer.

Wararka ay Puntlanderhelayso ayaa hoosta ka xariiqaya in 60-xildhibaan iyo tiro intaas ka badan ay xubinimadooda ka hor istaageen gudiga ku mashquulsan howlaha xildhibaanada ee ah guddiga farsamada,  iyadoona xildhibaanadaasi ay isugu jireen kuwo ku cusub siyaasada, siyaasiyiin rugcadayaal ah, wadaado, iyo xubno kale oo kamid ahaa isbahaysigii la magacbaxay dib u xoraynta iyadoona taasi ay walwal xoogleh gaarsiisay hogaamiyeyaasha dhanka siyaasada ee xafiisyada madaxweynaha.

Xubnaha maanta laga saaray liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka waxaa safka hore uga jiray siyaasiyiin ka agdhow madaxweynaha Soomaaliya garabkiisa (Aala Sheekh) iyadoona xubnahaas ay sida warar hoose sheegayaan ay ku jiraan  Cabdikariim Xassan Jaamac oo KA soo jeeda DHULBAHANTE ahna gacanyaraha Madaxweyne Sheikh Shariif; IYO Sheikh Aadan Madoobe oo isna lagu eedeeyey in UU YAHAY Warlord.

Sidoo kalena waxaa ku jira rag iyana aan soo buuxin shuruudihii xildhibaanimada sida war crimes:  danbiilayaal dagaal iyadoona loo diiday inay ku biiraan Xildhibaanada cusub.

Wararka hoose ee caawa Puntlandi ay Muqdisho  ka heshay ayaa sheegaysa inay xitaa meesha ka maqan yihiin quotadii dumarka ee ahaa 30%.

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>