MID KA MID AH MUSHARXIINTA U TAGAAN XILKA SOOMAALIYA OO YEESHAY WEBSITE LAGA DHEEHAN KARO WAXQABDKIISA IYO BARNAAMJIKISA SIYAASED DAAWO
Halkaan ka daawo webka
Musharax Maxamed Axmed Saalax, P.Eng.
Barnaamijkayga Siyaasadeed
|
Walaalayaal, magacayga waa Maxamed Axmed Saalax. Waxaan halkan ka caddeynayaa in aan u taaganahay tartanka doorashada madaxweeyne 2012 ee Soomaaliya. Waxaan jeclahay in aan halkaan idinku soo bandhigo barnaamijkayga siyaasadeed.
Sidii uu u burburay qarankeenii waxaan noqonay dad kala firday oo qaarna dibada u yaaceen qaarna dalka gudihiisa colaad iyo macaluul la daris noqdeen. Waxaan ogolaanay wax qofka Soomaaliga ah weligiis ogolaan jirin sida liidnimada iyo quursiga. Maanta waxaynu joognaa meel daleel ah oo aanay waxba faraha noogu jirin, jiritaankeenii ayaa khatar ku jira, dhankasta oo aad eegtana waxaa na haysta burbur baahsan.
Waxaan shaki ku jirin in sida kaliya oo looga bixi karo dhibta taagan ay tahay hoggaan toosan oo tayo leh. Hoggaankaas oo ay ku dheehantahay Eebe ka cabsi iyo Soomaalinimo
Iyadoo oo dhawaan la gudo geli doono xulista baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha, waxaan rabaa in aan halkan ku caddeeyo laba arin oo ah:
- Qaranka aan rabo in aan dhiso astaamihiisa
- Waxa aan rabo in aan qabto
Astaamaha Qaran
- Dowlad karti leh oo sugi karta amaanka gudaha iyo dibadda
- Umad nabad kuwada nool oo si wada jir ah u go’aansanaya:
- Barnaamijkeeda siyaasadeed
- Barnaamijkeeda dhaqaale
- Barnaamijkeeda bulshadeed
- Qaran xubin firfircoon ka ah bulshada caalamkana isla markaana nabad kula nool dariskiisa
- Qaran leh dhaqan Muslim
Waxa aan Qabanayo
Waxaan ahmiyadda koowaad siinayaa in aan qabto mashaariicda hoos ku xusan:
- Dejinta qorshaha qaran ee:
- Amaanka
- Gargaarka bani aadamnimo
- Dhaqaale
- Waxbarasho
- Caafimaad
- Hub kadhigista iyo dhaqan celin
- Dhisida iyo tayeenta hay’adaha dowlada iyo kuwa dastuuriga
- U badalida barnaamijka dowladeed mid ay dadka Soomaaliyeed ee jooga dalka iyo dibada leeyihiin
- Xal u helida caqabadaha hortaagan soo noqoshada qaranimadii, midnimadii iyo sharaftii Soomaliyeed
- La sameeyn xiriir wanaag wadamada caalamka, xiriirkaas oo ku dhisan is ixtiraam iyo wax wada qabsi
- Dhamaystirka Dastuurka qabyo qoraalka iyo diyaarinta habka xisbiyada badan.
Fulinta Lixda Mashruuc
- Qorshahayga waxaa sal u ah
- Amaanka
- i. Soo nooleynta iyo tayeenta hay’adaha amaanka suga
- ii. Wada shaqeynta dadka deegaanka iyo hay’adaha amniga
- iii. Sharciga oo si siman oo eex kamaran loo fuliyo
- i. Ka hortaga waxyaabaha keena barakaca iyo gaajada
- ii. Gaarsiinta kaalmada bani’aadam
- iii. U aaburista ilo dhaqaale dadka kaalmada bani’aadam u baahan
- i. Sameynta gudiga maamulka dhaqaalaha qaran
- ii. Dhiiri gelinta iyo si fiican u maamulida suuqa xorta
- iii. Soo nooleynta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo aruurinta canshuuraha
- iv. Kobcinta wax soosaarka beeraha, xoolaha, iyo khayraadka badda
- v. Raadinta, soo saarista, iyo maareynta macdanta iyo betroolka
- vi. Dejinta iyo fulinta qorshaha warshadeynta dalka
- vii. Dhiirigelinta soo celinta hatiilayaasha iyo xirfadlayaasha Soomaliyeed ee qurba joogta ah
- viii. Raadinta sidii loo cafin lahaa deynta wadanka lagu lee yahay
- i. Helida macaliimiin tayo leh
- ii. Dejinta manhaj dugisyeed qaran
- iii. La dagaalanka aqris iyo qoris la’aanta iyo barashada xirfadaha
- iv. Tayeenta iyo taakuleynta jaamacadaha iyo machadyada jira ee dalka
- i. La dagaalanka cudurada faafa
- ii. Horumarinta daryeelka asaasiga
- iii. In meel walba oo wadanka ka tirsan laga helo xirfadlayaal caafimaad
- i. Wacyigelin muhiimada nabada
- ii. Hub ururin iyo dib u dejin
- i.
- Gargaarka bani’aadam
- Dhaqaalaha
- Waxbarshada
- Caafimaadka
- Hub Kadhigis
- Xirfad u abuuris dhalinyarada
- Waxaan dhisayaa:
- Gudiga xeel dheerayaasha ee la taliya Madaxweeynaha
- Dowlad si fiican wax u qorsheeyn karta isla markaana qorshaheeda u badali karto ficil dheef lah
- Dowlad dhexdeeda wada shaqeyn karta isla markaana la shaqeyn karta hay’adaha kale ee dastuuriga ah
- Dowlad dadka ugu adeegta daacadnimo
- Barnaamijka Dowladeyda
- Barnaamijka dowladu waxa uu noqonaysaa mid ku saleysan baahida iyo aragtida gobolada iyo degmooyinka dalka
- Ku tiirsanaanta dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada ku nool
- Xisaabtan iyo dib u eegis joogta ah
- Xal u Helida Caqabadaha Hoortaagan Qaranimada Soomaliyeed
- Kala saarida arimaha, shaqsiyaadka, kooxaha iyo dowladaha hortaagan soo nooleynta qaranimada Somaliyeed
- Sameynta xal ku haboon qolo walba
- Xiriirka dibada
- Nabad ku wada noolaasho ku dhisan is ixtiraam
- Saaxibo u helida Soomaaliya
- Ka mid noqosho xubin firfircoon xagga arimaha caalamiga
- Dastuurka
- Dadka Soomaliyeed oo si buuxda oo xor ah uga tashtaan mustaqbalkooda
- Tirokoob iyo u codeyn
- Sameynta xisbiyo badan




























