Mucaaradka oo ka baxay Xaafada Salaaxudiin Ee magaalada Xalab
Wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegaya in dagaalyahanniinta mucaaradka ay ka baxeen xaafad ay ku xoogganaayeen magaalada Xalab oo saldhig weyn u ahayd kadib dukheyn culus oo loo geystay.
Weriye British oo jooga magaalada ayaa sheegay amarka in laga baxo xaafadda Saalaxudiin in la bixiyey kadib markii weerarro culus oo ay saddex aag uga soo qaadeen ciidanka dowladda Suuriya.
Ciidamada xorreynta Suuriya ayaa sheegaya in ay tahay ka bixitaan farsamo oo keliya, laakiin waxaa la sheegay in ciidamada dowlaada ay soo galeen aaggii ay ka baxeen.
Waxaa kale oo jira warar sheegaya in ciidanka dowladdu ay xoojiyeen dukheynta xaafadaha kale ee magaalada Xalab.
About the Author