Khaliif sh maxamuud

Gabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud
RED SEA

Published On: Thu, Aug 9th, 2012

Madaxweyne Sheekh Shariif oo Digniin Adag iyo Baaqa wada Socda u diray Musharixiinta Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya

Share This
Tags

Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada oo galabta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madxatooyada ee Villa Soomaaliya ayaa kaga hadlay shaqaaqadii Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay dad si gaar ah gaar ahaan dano siyaasadeed u adeegsadaan maanta waxii ka dambeeyana aan loo Dulqaadan doonin.

Sheekh Shariif waxa uu xusay in Ciidamada Xooga Soomaaliyeed yihiin Ciidamo qaran si gaara ahna aan loo isticmaali Karin loona dulqaadan doonin in Dad Musharixiin ah ay dhalinyarada Ciidanka Qaranka ay dano gaar ahaaneed u isticmaalaan.

Madaxweynaha ayaana ugu baaqay in Musharixiinta Xilka Madaxweynanimo isagoona xuday in Musharaxa si amaankiisa loo sugo lasoo xariiro Dowlada KMG ee Soomaaliya si amaaakiisa u sugto Dowlada balse aan la ogolaan doonin in Ciidamada Qaranka ay si gaar ah u isticmaalaan uu si gara ah Musharixiinta.

Hadlka Madxaweynaha ee galabta kasoo yeeray ayaa kusoo aadaya xili Maanta Ciidamo la sheegay in ay isaga taageero u ahaaaeen ay rasaas la dhaceen Taageeryaal u baaanbaxayay Farmaajo halkaas ay ku dhinteen labo Ruux halka tiro intaa kabadana ay ku dhaawacmeen.

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>