Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Published On: Thu, Aug 9th, 2012

WAR DEG DEG AH:- Diyaaradaha Kenya oo duqeeyn culus ku wada saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin gobalka J/hoose.

Share This
Tags

 

Wararka haatan naga soo gaaraya gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay duqeeyn aad u xoogan ku wadaan saldhig ay Xarakada Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Birta Dheer oo qiyaastii 60KM u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Waxaa la sheegayaa in diyaaradahaan ay yihiin nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter, waxaana ay tiradooda tahay 3 diyaarad, iyagoona lama filaan duqeeyntaan ku bilaabay.

Ilaa iyo haatan lama ogaan karo qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay, hase ahaatee waxaa jira qasaare soo gaaray ciidamada Xarakada Al-shabaab ee halkaasi ku sugan.

Dhanka kale waxaa kala carar aan caadi ahayn uu soo wajahay shacabka ka agdhaw deegaankaasi iyaga oo ka baqay inay saameeyn ay ku yeelato duqeeyntaan haatan halkaasi ka socota.

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>