Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Published On: Thu, Aug 9th, 2012

13-musharax oo ku midoobay isbaheysi cusub oo ay ku dhawaaqeen

Share This
Tags

Ujeedada ugu weyn ee kulanka ayaa wuxuu ahaa sameynta isbaheysi ay ku mideysan yihiin ilaa 13 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya taasi oo loogu magacdaray Bahwadaagta Qaran ee Isbadaldoonka.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Xisbiga Nabadda Iyo Horumarka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa musharaxiinta ku midoobay isbahaysigan cusub ee muhiimadda loo aas aasay ay tahay sahminta sidii ay uheli lahaayeen hal musharax oo ay ku mideeysan yihiin.

Musharaxa lagu magacaabo Xuseen Khaliif Jaamac oo warbaahinta u aqriyay nuqul kamid ah warsaxaafadeedka ayaa wuxuu sheegay in qiimeyn kadib ay ku ogaadeen in Soomaaliya ay ku jirto musiibo halis galin karta jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in musharaxiinta ku jirta isbaheysiga cusub ay soo dhaweynayaan musharaxiinta kale ee doonaya inay kusoo biiraan Bahwadaagta Qaran ee Isbadaldoonka.

C/raxmaan Macalin Sharaf oo isna ka mid ah musharaxiinta oo isna aqrinayay nuqul kale oo kamid ah warsaxaafadeedka ayaa wuxuu sheegay inay si weyn u canbaareynayaan faragelin uu sheegay in Madaxda dowladda ay ku hayaan odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.

C/raxmaan Macalin Sharaf ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan musuq maasuq baahsan iyo in soo xulista Xubnaha cusub ee baarlamaanka ay isku badashay suuq la isku faliso sida uu hadalka u dhigay.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in laga digayo in sigaar ah loogu adeegsado hantida qaranka olalaha Madaxtinimo ee dalka,iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqay ciidamada nabad Sugidda iyo Warbaahinta qaranka.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ay maanta sida wadajirka ah ay usoo saareen ilaa13-ka msuharax ee ku midoobay isbaheysiga Bahwadaagta Qaran ee Isbadaldoonka ayaa waxaa loogu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed iyo bulshada aduunka inay si gaar ah u eegaan dadaalkan cusub oo ay ku jiraan musharaxiinta isbaheysiga cusub ku midoobaan.

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>