Khaliif sh maxamuud

Gabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud
RED SEA

Published On: Mon, Aug 6th, 2012

Liiska Xildhibaanada cusub EE KHAATUMO STATE IYOC/kariin Xassan Jaamac oo ka Hor Yimi Heshiiskii Saxiixeyaasha ee Nairobi

Share This
Tags

Waxaa maanta si rasmi ah loo shaaciyey magacyada xildhibaanada maamulka Khaatumo State..u geliya barlamaanka cusub ee dhowaan dalka Somaaliya loo samaynayo.

Laakiin Madaxaweyne FAROOLE ayaa SAXIIXAYAASHA u ogolaadeen in UU ku darsado 3 xildhibaan.

Xildhibaanadan oo ay soo xuleen guddi ka kooban golayaasha maamulka Khaatumo State, Waxaa lagusoo xulay qaab ku dhisan codeyn kadib markii lagala soo baxay musharxiin badan oo wada buuxiyey shuruudihii lagu xidhay. hoos ka akhriso magacyada.

1. Dr.Cali Khaliif Gallaydh
2. Cabdiwaaxid Shariif Maxamed
3. Siyaad Maxamuud Shire
4. Xaaji Cabdi yare Maxamed
5. Cabdikariim Xasan Jaamac
6. Yuusuf Axmed Nuur
Iyo laba xubnood oo magacyadoodu aanaan weli xaqiijin. dibna idiinka kasoo gudbin doono, hadii Allah idmo

.Kadib saxiixeyaasha Road-Mapka ay magaalada Nairobi ku gaareen heshiis lagu dhameeyey khilaafaad u dhexeeyey qaar kamid ah saxiixeyaasha.
Cabdkarim Xassan Jaamac, oo magaciisa lagu sheegey war saxafaadeedka ka soo baxey shir Nairobi ugu soo gaba-gaboobey shan kamid ah lixda saxixayaasha Roadmap-ka, ayaa sheegey in uu shirka ka baxey.
Cabdikarim ayaa BBC u sheegey in uusan qeyb ka ahayn heshiis lagu gaarey Nairobi oo dhigayo in mudanayaasha gobolkaasi ay soo kala xulaan odayaal dhaqameedyo ku kala sugan Muqdisho iyo Garowe.
Bayaanka ka soo baxey shirka ayaa lagu sheegey in wada-xaajoodka arrinta Khaatumo uu qeyb ka ahaa Cabdikarim Xassan Jaamac oo horey u ahaan jirey wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG.
Billowgii sanadkan ayaa magaalda Taleex loogu dhawaaqey maamul ay dadka degaankaasi sheegeen in uu mathalayo gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Hasa ahaatee, waxaa arrintaasi ku gacan-seyrtey Somaliland oo sheegtey in qeybo kamid ah dhulkaasi uu maamul ahaan hoos yimaado Somaliland.

 

 

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>