Dad sidii birtii loo toosinayo jirkooda daawo: Halkaan
Dad sidii birtii loo toosinayojirkooda daawo:
P
(Nanning) 02 August 2012 Jirdil mise tababar? Dalka Shiinaha waa dal ku caan ah dhisitaanka jireed iyo carbintiisa gaar ahaan ciyaaraha difaacu nafsiga ee Kung Fu balse markan xaalku waa ka duwan yahay.
Halkani waa gudaha xerada tababarka xidigaha qaalma rogadka mustaqbalka oo loo toosinayo sidii bir.
Wejigeedu wuxuu la casaaday xanuun iyadoo af labadii si kal iyo laab ah u ooyneysa balse yaaba ka dhegeystey tani waa gabar aad u yar oo loo xanuujinayo si ay dalkeeda China guulo qaran ugusoo hooyso adigoo arkaya in tababareheedu uu lugeheeda yar ku taagan yahay.
Nanning Gymnasium oo ku yaalla magaalada Nanning, ee China, waa mid ka mid ah iskuullada aan wax naxariis ah iyo halkee ku xanuuntay laga qorin iyadoo iskuulkan oo ay laamihiisu ku firirsan yihiin Shiinaha oo dhan ay waalidiintu ilmohooda u diraan si ay ugu soo bartaan sida loo noqdo horseed qaran ama horyaal.
Gabadha yari way xanuunsanaysaa lkn ujeedka macalinka lugeheeda ku taagan wuu ka wayn yahay inuu hada cabaadkeeda qiimeeyo.
Hababkani waa kuwo aad u adag marka lagu eego indhaha dadyoowga kale ee caalamka lkn waa sababta ay ciyaartooyda Shiineeeysku ugu muuqdaan kuwo si sahal ah u aruursanaya billadaha laga bixinayo London gaar ahaan dabaasha, culays qaadka, quusitaanka, toogta IWM.
Gymnastics-ka ama xidigaha qaalma rogadka Shiinaha ayaa ah kuwo tababarka bilaaba xilli ay aad u yar yihiin iyadoo aan caruurtan waa jilacsan yihiin iyo waa garab coows aan lagusoo tababarin balse waxay u babac dhigaan howl maalmeedka adag ee uu u baahan yahay tababarrada la geliyo.

Naxariis la’aan: Wiilal iyo gabdho u muuqda kuwo aan 5-6 sano ka waynayn oo sidii FIIDMEERTII ama KIBILIGII laga soo lalmiyay biro.
Xoog soo socda: Iskuulka qaalma rogadka Nanning Gymnasium ee magaalada Nanning, ee dalwaynaha China, oo ay caruurtu jimicsiku jiraan.
Wiil yar oo kujira bootin isaga ka wayn.!
Dhalinyaradani waxay ku han wayn yihiin inay qaadaan jidka ay martay Ye Shewin oo ah 16 jir sabtigii record cusub ka dhigtay
olombikada London.
Bishii Janaayo ee sanadkan ayay ahayd markii internet-ka lagu baahiyay muuqaallo muujinaya caruur Chinese ah oo xanuun la barooranaysa.
Hadii ay caruurtani inyar ka ilduufaan sababta ay xanuunkan u marayaan waxaa jirta astaan yar oo ay ku qoran tahay ‘DAHAB’ oo ku qoran gidaarka ama derbiga.
Dheel dheeli majirto: Macalimiintu aad bay u adadag yihiin shakhsiyad ahaan marka ay timaado tababarkaadag ee ay qaataan caruurtan oo aan gorgortan la gelin karin qayb yar oo ka mid ah.
Xilligii guriga: Caruurtani waxay sugayaan waalidkood si guriga u aadaan kadib maalin adag oo tababar ah.
Ye Shiwen oo aduunka uga yaabisay inay jebisay recordkii hore ee u yaalay 400 ee mitir ee dabaasha wax kabadan ilbiriqsi.
Waa la gaaray hadafkii: Miss Ye oo sare u taagaysa billadeedii dahabka ahayd iyadoo qirtay inaysan podium-kan
ciyaar ciyaar ku imanin oo ay howl adag usoo martay.
Halla guulaysto wax kasoo dhacaba: Caruur xabadka loo dhigay si loo edeb mariyo kadib khaladaad ay galeen
Si ay u adkaadaan shakhsi ahaan, akhlaaq ahaan iyo jir ahaanba.
Ujeedku waa in diiradda la saaraa guusha iyo dahabka ee maaha in la eego daalka iyo dikaanka la socda.
Wiilal yar yar oo kujira tababarradii dabaasha iskuulka Chen Jinglun Sports School oo ah dugsiga ay kasoo aflaxday Ye Shiwen.
Iskuulkan ayaa soo tababaray Sun Yang oo ku guulaysatay 400 mitir ee dabaasha ciyaaraha
olombikada London 2012
Lu Ying 00 23 jir isla markaana ay isku koox ahaan jireen Ye ayaa aad u dhaliilay habka adag ee loo wajoho
tababarrada Shiinaha
Dhalinyaro yar yar ah oo isu diyaarinaya tookadoodii ay geli lahaayeen berkedda dabaasha.
FG: Waxaa jira sawirro gabdho ah oo kuwan ka darnaa oo aynaan usoo qaadanin sababo la xiriira akhlaaqiyada iyo
suubanaanta balse runtii aad u xanuun badnaa.
Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Tifaftiraha: GoolFM.net



























