Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Published On: Sun, Jul 29th, 2012

GAROONKA DIYAARDAHA GAALKACAYO OO LA DUQEEYEY

Share This
Tags

Duqeyn qoryaha lidka diyaaradaha loo adeegsaday ayaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha Galkacyo, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan weerarkaas.

Maleeshiyaad Hubeysan ayaa qoriga loo yaqaano Zuuga ku garaacay garoonka diyaaradaha Galkacyo, kuwaasoo ka soo jeeda Koofurta magaalada oo uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay ka dambeysay markii uu muran soo dhex galay Mas’uuliyiinta garoonka iyo maleeshiyaad sheeganayay lahaanshaha dhul ku yaal nawaaxiga garoonka diyaaradaha Galkacyo.

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Galkacyo Saciid Dhega-weyne ayaa u sheegay Warbaahinta in weerarka ay ka dambeeyeen maleeshiyaad ka soo jeeda Koofurta Galkacyo, isagoo ugu baaqay maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan.

Xilliga duqeynta qoriga lidka diyaaradaha lagu qaadayay garoonka Galkacyo ayaa waxaa ka kaceysay diyaarad rakaab ah oo ka mid ah kuwa maalinlaha ka duula garoonka diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha Galkacyo ayaa ku yaal dhanka ay ka taliyaan Maamulka Puntland, iyadoo dhowr jeer ay soo noqotay duqeymaha lagu qaaday garoonka, iyadoo marar badan uu garoonka u xirmay khilaaf labada maamul u dhaxeeyay.

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>