Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Published On: Fri, Jul 20th, 2012

Fanaanada Saado Cali Warsame oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo.

Share This
Tags

Waxaa maanta abaare 1dii iyo qadar daqiiqadaa si weyn loogu soo
dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug Hobalada kooxdii
Waabari ee Saado cali warsame oo ka soo kicintay dalka maraykanka oo
ay daganayd labaatankii Sanno ee la soo dhaafay.

Fanaanada  ayaa oo ka soo dagtay garoonka diyaaradaha ee C/laahi
yuusuf International Airport abaare 1dii duhurnimo xiliga geeska
afrika iyadoo ka soo safarkeedan ka soo kicintatay magaalada Muqdisho
oo ay shalay soo gaadhay xalayna ay ku hoyatay.

Soo dhawaynta  Saado cali warsame waxaa garoonka diyaaradaha ee
C/laahi yuusuf International ku soo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka
2aad ee baarlamaanka Puntland Xuseen yaasin xaaji,Wasiirka wasaarada
kaluumaysiga & khayraadka bada Puntland  Eng Max’ed faarax aaden,
Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Puntland  Cabdi qawdhan,Wasiir
ku xigeenka Dekadaha iyo gaadiidka bada Puntland Max’ed ciise lacle
,Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Max’ed xirsi ducaale,
Taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland Cumar c/laahi faraweyne,
Maamulka Mudug,kan degmada,Ururka Dalhadhso iyo dadweyne aad u fara
badan, Sidoo kale kooxda fanka ee Waabari Puntland oo uu horboodayay
Abwaan shube.

Soo dhawaynta Maamo Saado oo si aada u saraysay ayaa markii ay lugaha
soo saartay salaamaha diyaaradii ay la socotay oo ay indhaha saartay
bulsha weynta madaxda iyo shacabka isugu jira ayay si qiiro leh salaan
farxadeed oo kal iyo laab ay u soo gudbisay iyo dareenkeeda laga
dheehan karay sida ay ugu faraxsan tahay inay muddo 22 sanno ka dib ay
mar kale cagaheeda soo dhigto dalkeeda Hooyo ee Soomaaliya waxaana ay
mid mid u salaan gacan qaaday u gudbisay dhamaan dadkii safnaa gudaha
iyo hareeeaha Gagida C/laahi yuusuf ee Gaalkacyo.

Salaan, shumis  iyo is marxabayn ka dib Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee
Mudug Axmed muuse nuur yare oo Maamulka u hadlayay ay si diiran hadalo
ugu soo dhaweeyay waxaana hadalo kooban oo uu jeediyay ku cabiray
farxada iyo muhiimada ay u leedahay inay Maamo Saado ay maanta ku soo
dhaweeyaan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Puntland isagoo
muhiimada soo dhaweynteedana ugu cabiray wadaninimada ay inta badan
muujiso iyo sida ay u danayso Soomaali jacaylka iyo Soomaalinimada.

” Maanta aad baanu ugu faraxsanahay Saadooy inaynu ku soo dhawayno ku
soo dhawoow dalkaagii sababta intaanoo qof ay kuugu soo baxeen waana
wax aad horay u shaqaysatay”, Ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare(Dabakariix)

Saado cali warsame Hoboladii kooxdii Waabari ee xiligii barisamaadka
ayaa hadalo kooban oo dhamaan qiiro galiyay ka jeedisay gudaha
garoonka waxayna sheegtay inay si aan la soo koobi karin u
faraxsantahay iyadoo sheegtay inay sooman tahay oo aysan hadal badan
ka gaarine, Maamo Saado ayaa tilmaamtay inay imaatinkeedu uu yahay kii
ugu horeeyay oo ay Soomaaliya ku timaado tan iyo markii ay qabta
dhacday oo lakala cararay waxay u mahad celisay dhamaan maamulada ka
jira Soomaaliya.

” Runtii ma soo koobi karo farxadayda maanta dhamaan waxaan u mahad
celinayaa Soomaali weynta maanta i soo dhawaysay iyadoo si gaara ugu
mahad celisay bahda warbaahinta si gaar ahna u xustay Radio Daljir iyo
Tvga qaranak Soomaaliyeed.

Hobolada caankaa ee Saado ayaa markii danbe loo soo dhaadhiciyay
gudaha magaalada waxaana qadar daqiiqadaa ay ku yara nasatay Hotel
Classic oo ku yaala bartamaha magaalada kulan kooban ayayna halkaasi
kula qaadatay Ururka Wadanigaa ee Dalhadhso oo ay mahad naq iyo
dardaaran dumarnimo ugu jeedisay haween kula kulmay gudaha Hotelka,
Intaasi ka dib waxay mar kale ka warbixisay safarkeeda waxaana ay
bulshada u balan qaaday inay soo laaban doonto oo ay maalmo joogi
doonto Gaalkacyo.

Saado cali warsame oo safarkeedu uu ku wajahan yahay Xarunta Puntland
ee Garoowe oo ay marti qaad rasmiya ka heshay madaxda Puntland iyadoo
ujeedka socdaalkeeda lagu tilmaamayo arimo siyaasadeed.

Waa markii ugu horaysay oo Soomaaliya timaado Maamo Saado cali warsame
oo ka mid ahayd Hoboladii fanka Soomaaliya ugu tugta roonaa xiligii
Dawlada dhexe ee Waabari.

Si kastaba bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool gayiga  Puntland ayaa
xiiso iyo  hamuum qaba la kulanka iyo booqashada Maamo Saado ay ku
timid Puntland waxaana sidoo kale ka filayaa inay ka qayb gasho
shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ee ka soconaya Garoow

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>