XOG:Taliyihii Hoggaanka Socdaalka DKMG Oo Xilkii Laga Qaad
XOG:Taliyihii Hoggaanka Socdaalka DKMG Oo Xilkii Laga Qaad
Iyadoo dhawaan Kooxda daba galka Cunaqabataynta Hubka Somaliya iyo Eritireeya ay qoreen war bixin dheer oo ay ku caddeyneyso Musuq Maasuq Xoog leh oo ay galeen Mas’uuliyiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii u horeeyay Tallaabadii u horeysey Xilka looga qaaday Taliyihii Laanta Socdaalka Gen. Cabdullaahi Macalin Gaafoow.
War bixinta Monitery Groubka ayaa mas’uuliyiintii ay xustay waxaa ka mid ahaa Gen Gaafoow oo si gaar ah farta loogu goday Lacago aan Xad lahayn oo uu Lunsaday iyo waliba baasabooro qaarkood Dipolomatic ah oo uu bixiyay.
Gaafoow ayaa dadka uu Baasaboorada siiyay waxaa loo soo qaatay af hayeenka guud ee maleshiyada kooxda al Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo ay isku Jufo yihiin Sarkaalkan Taliyaha ka ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.
Ilo ku dhow dhow Jananka ayaa sheegaya in laga joojiyay Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha sixiixiddii Baasaboorada iyo waliba inuu bixiyo Baasabooradii ay qaadan jireen Dad weynaha.
Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in Dawladdu ka joojisay Gaafoow inuu wax baasaboor ah bixiyo in kastoo aan la garanayn tallaabta taa xigta ee laga qaadayo Mas’uulkan ka tirsanaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Amarkan Shaqada looga joojiyay Cabdullaahi Gaafow ayaa imaanaya xilli is qab qabsi, iska fogeyn Eedeyn iyo faro isku taag taag uu ka dhaxeeyo Xubnihii war bixinta lagu xusay kuwaasoo ol ole ugu jira sidii ay isaga beri yeeli lahaayeen Eedeyntan loo soo jeediyay.
Gen. Gaafoow ayaa isagu horey war baahinta uga sheegay in arrimahan lagu soo eedeeyay aanay waxba ka jirin hadaladan laga sheegayna ay yihiin kuwo Been abuur ah.
Si kastaba Gaafoow ayaa waxaa uu ka mid ahaa Mas’uuliyiin dhowr ah oo war bixintii Monitry Groupka lagu xusay kuwaasoo lagu eedeeyay in ay lunsadeen lacago aad u fara badan oo qaranka Soomaaliyeed lahaa taasoo weji gabax ku keentay dhamaanba Xubnaha war bixinta lagu sheegay.





























