Wararkii u dambeeyey ee Shirkii Jubooyinka iyo Gedo ee Nairobi
Wararkii u dambeeyey ee Nairobi ka imanaya ayaa waxay sheegayaan. In ilaa iyo hada aanan la ogeyn. Xiliga uu qabsoomi doono. Shirkii maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo.
Ilo xog ogaal ah ayaa shabakada Afmadownews u sheegay in kooxaha Raas-kambooni iyo Ahlu-Suna ay soo jeediyeen. In ergada wax dooranaysa. Laga soo xulo 15-ka degmo ee Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Gedo. Ka dibna shirka loo raro gudaha soomaliya. Oo doorashada ay ka dhacdo degmada Afmadow. Oo ah magaalo madaxda labaad ee jubada hoose.
Azaaniya ayaa iyadanu qabta in doorashada ay ka dhacdo Nairobi. oo markaasi ka dib la aado. Gudaha soomaaliya. Kooxda Harti Group aya ailaa hada iyadu aanan soo gudbinin taladooda. Sidoo kale IGAD ayaa ku kala qaybsan ra’yiga la soo jeediyay.
Waxayna u muuqataa in arimaha la isku hayo ay koox walba ka eegayso danteeda. Sheekh Axmed Madoobe oo shalay la kulmay wakiilo IGAD ka socda ayaa ku adkaysanaya. In Doorashada Madaxweynaha ay ka dhacdo magaalada Afmadow. Si loo helo kalsoonida dhabta ah. Ee dadka deegaanka.
Sidoo kale kale Ahlu-suna ayaa sheegaysay. In Afmadow la isugu tagi karo. Ayna marti galain karyto ergada wax dooranaysa.





























