Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Published On: Thu, Jul 19th, 2012

Masuul sare oo katirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya oo galabta lagu qaarijiyay Magaalada Muqdisho

Share This
Tags

Waxaa galabta Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho Kooxo bistoolado ku hubeesan ku dileen Masuul sare oo katirsan Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada KMG ee Soomaaliya.

Marxuunka la dilay ayaa ahaa Maxamed Cali Xuseen oo ahaa Agaasime kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya isagoo sidoo kale horey u ahaa Qasnajigii Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya.

Masuulkan ayaana lagu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha waxana la sheegay in uu halkaasi u gaaray dib u eegid guri uu dayactir kuwaday oo kuyaalay Xaafadaasi , iyadoona Xiliga la dilayay uu kasoo baxay Masjid kuyaal Boosteejada Suuqa Xoolaha halkaa ay kutoogteen afar Nin oo Bistoolado watay.

Kooxihii Dilka u geestay Marxuunkan ayaa goobta ka baxsaday iyadoona halkaasi ay gaareen Ciidamo katirsan Dowlada iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo marxuunka kasoo qaaay Meydka Maxamed Cali Xuseen waxaana lagu wadaa in maalinta Beri Magaalada Muqdisho lagu aaso.

Xaafada Suuqa Xoolaha oo katirsan Degmada Hiliwaa ayaa amaankeeda yahay mid mudooyinkan kasoo darayay iyadoona halkaasi ay dilal qorsheesan kafulinayeen rag katirsan Xarakada Al-Shabaab.

About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>