Khaliif sh maxamuudGabaygii

Khaliif Shiikh Maxamuud

RED SEA

Published On: Wed, Jul 18th, 2012

Haweeneey Soomaaliyeed Oo Isu Soo Taagtay Jagada Madaxtinimda Soomaaliya

Share This
Tags

Amal Abdi Ibrahim oo ka mid ah Soomaalida degan dalkaasi Finland, ayaa daneyneeysa iney noqoto musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Wargeyska la yiraahdo Turun Sanomat oo ay wareesi agaar ah siisay ayeey  u sheegtay iney diyaar u tahay sidii ay u noqon laheyd Madaxweyne Soomaaliya ayna dooneyso in qof Dumar ah uu ku geeleesto Jagada Madaxtinimada Soomaaliya.

“Soomaalida Waa ku daaleen in ragga wax is badal ah aaney sameyn, waxaan aaminsanahay in haweenku ay isbadal la imaan karaan waa hadii aynu ku guuleysano Xilka ugu sareeyo Dalka” ayey tiri Amaal Abdi Ibraahim.

Amaal Cabdi Ibraahim oo ah haweeney daneyneysa iney qabato xilka madaxweynimada Soomaaliya ayaa ku nool dalka Finland kana shaqeysa Howlaha caafimaadka dalkaasi, Wxena sheegtay iney u halgameyso sinaanta iyo ka hortaga Musuq maasuqa ka jirta Soomaaliya,yadoona balan qaaday in ay l aimaandoonto Isbedel Dhankasta ah.

Aamaal Cabdi ayaa ugu dambeytii muujisay in doorshada dib loo dhigi karo ,balse iyaduna ay tahay Musharaxad u taagan Madaxtinimada Soomaaliya,waa gabdhii labaad ee isu soo taagatay Jagada Madxaxtinimada Soomaaliya,Waxaa horay jagadaasi u soo istaagtay Caasho Axmed Cabdalla oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka,inkastoo aysan helin wax cod ah marka laga reebo hal cod oo ay iyadu leheed.

Halkaan  ka daawo  iyda  oo  Hadlyesa



About the Author

- PUNTLAND

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>